Shirkada guryaha
Shirkada guryuhu waxay daryeeshaa howlaha guryaha aad degan tahay. Soo ogow waa tee shirkadda guryaha ee gurigaagu. Warbixintoodana sida qaalibka ah waxaad ka heleysaa daaradda guryaha sabuuradda ku dhegan.
Markaad gurigga u soo guureysid, wargeli shirkadda guryaha. Waxaad weydiin kartaa sidoo kale meelaha la wada isticmaalo iyo lacagtooda. Meelaha la wada isticmaalaa tusaale ahaan waxay noqon karaan
- saunada, taas oo aad qabsaneysid xilligaaga saunada
- meesha dharka lagu dhaqdo, halkaas oo aad ku dhaqan kartid kuna qalajisan kartid.
Sidoo kale meesha gaadhiga la dhigtaa waa lacag.
Haddii aad dooneysid in gurigaaga laguu geliyo satelliitianteeni, weydiiso ogolaansho shirkada guryaha. Aanteenka laguma xidhan karo ogolaansho la’aan.
Ku dhaqn tilmaamaha ay shirkadda guryuhu ku fareyso iyo nidaamka qawaaniinta guryaha. Haddii aad ku dhaqmi weydid tilmaaha lagu faray, waxaad heli kartaa digniin. Marka lagu siiyo marar badan digniino marka dambe waxaa dhici karta in gurigga lagaa saaro.