Kaalmada bulshada
HAGITAANKA CODSASHADA EE CODSIGA CAAWIMAADDA BULSHADA
Waxaa waaxda horumarinta la qabashada caawimaad lacageed looga codsan karaa waxqabadyada ka dhacaya gudaha magaalada Hämeenlinna. Codsaduhu wuxuu noqon karaa urur ama koox aan rasmi ahayn. Caawimaadda waxaa ugu horreeya ee la siinayaa waa dhacdooyinka iyo munaasabadaha dadka dalka u soo guuray ay leeyihiin ama mashaariicda ay qorshayntooda iyo hirgelintooda qayb ka yihiin dadka dalka u soo gaaray, mashaariicdaas oo horumarinaya ka qayb ahaanshaha bulshada iyo xiriirka wanaagsan ee bulshada.
CAAWIMAADDA WAXAA LOOGU TALAGGALAY WAXQABADYADA YARYAR, KUWAAS OO HORUNARINAYA XIRIIRKA WANAAGSAN EE BULSHADA EE DEEGAANKA
Hadafyada:
- horumarinta la qabsashada Hämeenlinna iyo bulshada Finnishka ah
- horumarinta fahamka iyo dulqaadka iyo kahortagga cunsuriyadda
- horumarinta wax wada-qabashada dadka dalka u soo guuray iyo Finnishka
- taageeridda dhaqanka dadka dalka u soo guuray
- taageeridda waxqabadka dadka dalka u soo guuray
CAAWIMAADDA LAMA SIINAYO HAWLAHA DHAQANKA, URURKA AMA HIWAAYADDA LOO HELI KARA NIDAAM CAAWIMAAD OO LOOGU TALAGGALAY. KUWAAS WAA TUSAALE AHAAN CAAWIMAADAHA MAGAALADA EE URURADA LA SIIYO.
CODSASHADA CAAWIMAADDA
- codsi qoraal ah (foom codsi oo gaar ah)
- codsiga waa in ay ku qoran yihiin magaca dhacdada iyo ujeeddada
- tirada lacageed ee la codsanayo
- qorshaha kharashka (dakhliyada, kharashaadka iyo qaybta ay tahay in la iska bixiyo oo kala saaran)
- macluumaadka xiriirka ee mas’uulka hawsha
- bangiga iyo lambarka akoonka caawimaadda lagu soo shubiyo
- codsiga billowga ah waa in wakhti hore la soo gudbiyo, xilliga lagu jiro marxaladda qorshaynta ee dhacdada, munaasabadda ama waxqabadka kale
- go’aan horudhac ah oo ku saabsan oggolaanshaha caawimaadda ayaad markaas kaddib heleysaa
- haddii aad caawimaad u codsanayso kharashaad ku baxay waxqabad aad horay u hirgeliseen, soo gudbo codsiga iyo lifaaqyadiisa soona raaci warbixinta dhacdada ama munaasabadda
WAKHTIGA CODSIGA, GO’AAMINTA IYO MACLUUMAADYADA XIRIIRKA
- Sannadka oo dhan ayaa caawimaadda la codsan karaa
- Ka baaraandegista codsiga iyo bixinta lacagtu waxay qaadanaysaa ugu yaraan labo todobaad.
- Inta badan waxaa caawimaad ahaan loo bixiyaa qayb ka mid ah kharashka. Codsiga waa in lagu sheegaa, inta ay dhan tahay lacagta ay ka qaybgalayaashu ka bixiyaan kharashaadka baxaya.
- Waxaa isticmaalka caawimaadda laga doonayaa in laga sameeyo warbixin iyo xisaab-celin, yacni waa in codsaduhu uu sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaa koobiyada rasiidyada, kuwaas oo ay ka muuqatay waxa lacagta caawimaadda lagu isticmaalay.
- Codsadaha caawimaadda ayaa mas’uul ka ah qorshaynta iyo qabanqaabinta waxqabadka.
- Rugta adeegga dadka dalka u soo guuray ee magaalada ayaa haddii loo baahdo laga helayaa hagitaan iyo talobixin. Macluumaadyada xiriirka: https://hameenlinna.myintegration.fi/en/guidance-and-counselling/guidance-and-advice-services-in-hameenlinna/international-service-centre-in-kastelli/
- Codsiga waxaa lagu soo hagaajinayaa cinwaanka: Magaalada Hämeenlinna, Adeegyada horumarinta laqabsashada, SB 505, 13101 Hämeenlinna (Hämeenlinnan kaupunki, Kotoutumisen edistämisen palvelut, PL 505, 13101 Hämeenlinna). Tixraaca baqshadda lagu qorayo waa ”Caawimaadda bulshada” (”Yhteisöavustus”). Waxaa kale oo codsiga lagu soo diri karaa iimaylka maahanmuuttoinfo@hameenlinna.fi ama waxaa la keeni karaa Rugta adeegga dadka dalka u soo guuray ee Kastelli.