Xeerarka iyo qawaaniinta guryaha
Nidaamka iyo qawaaniintu waxay sheegayaan, xuquuqda iyo waajibaadyada ay gurigga dadka degani leeyihiin. Nidaamyada iyo qawaaniintu wey muuqdaa guri kastaba waana in lagu dhaqmo. Haddii aanad fahmeynin waxyaalo qawaaniinta ka mid ah, waxaad wixii dheeraad ah weydiin kartaa shirkadda guryaha.
Haddii aad dareentid, inuu qof jabinayo nidaamka iyo qawaaniinta, wargeli arrintaa shirkadda guryaha.
Haddii aad nidaamka iyo qawaaniinta jabisid, waxaa lagu siinayaa digniin qoraal ah. Tusaale ahaan haddii gurigaagga laga maqlayo shanqadh xoog badan habeenkii, waxaa lagu siin karaa digniin. Haddii lagu siiyo digniino dhowr ah, gurigga waa lagaa saari karaa.