Xanaanadda furan iyo goobaha kulanka
Goobaha kulanka ee Hämeenlinna waxa diyaariya adeeg bixiyeyaal barayfad ah. Qarashka adeegga ku baxaya, waxa bixiya magaaladda. Qofka raba in uu ilmihiisa geeyo goobaha kulanka ee Nipsula, Peuhula, Tiyaatarka Muusikada ee Spektri iyo MLL, qarashkoodda waxa bixinaya magaaladda. Qarashka waxa laga bixinayaa ilmaha waalidkiisu lacagtii waalidnimadu ka dhamaatay ama aan weli helin boos xanaano oo degaan ah ama barayfad ah.
Ilmaha qarashka laga bixinayo, waxa loo oggolyahay hal boos oo kulan ah.
Sidan ku dalbo qarashka adeegga ee goobta kulanka:
- La xidhiidh adeeg-bixiyaha oo u dalab ilmaha goobta haynta, kadib samee wixii ay ku farayaan oo dhan.
- Keen dalabka Xarun-adeegga Anshaxa iyo Horumarinta ugu danbayn bisha 15-keedda si go’aanka loo gaadho bisha ku xigta horaanteedda.
Xarunta DHAQANKA EE ILMAHA IYO DHALINYARADA EE ARX
Arx waxay Hämeenlinna iyo agagaarkeedda, sida iskuuladda, xanaanooyinka, dhalinyaradda, ilmaha iyo qoyskiisaba u diyaarisaa arrimaha dhaqanadda iyo farshaxanka.
Goobta dejinta ee HÄMEENLINNA (SETLEMENTTI)
Kumppanuustalo qaybteedda furan ee Mama’s Cafe, Jimce kasta waxa ku kulma qoysaska.
GOOBAHA KULANKA EE BARAYFADKA
Nipsula
MLL:n Hämeenlinnan yhdistys
Peuhula
Musiikkiteatteri Spektri
GOOBAHA KALE EE KULANKA
Hämeenlinna-Vanajan seurakunta
Goobaha cayaarta ilmaha
Ciwaan: Xanaanadda furan iyo goobaha kulanka – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)