Maamulka dowladda
Finland waa jamhuuriyad. Hay’adaha ugu sareeyaa waa baarlamaanka, madaxweynaha iyo golaha dowladda ama xukuumadda.
Baarlamaanka
Baarlaamka (Eduskunta) ayaa dejiya sharciyadda Finland islamarkaasna go’aamiya qiimeynta dhaqaalaha, miisaaniyadda. Baarlamaanku wuxuu sidoo kale ilaaliyaa shaqada xukuumadda. Baarlamaanka waxaa ku jira 200 oo xildhibaan. Xildhibaanada waxaa lagu soo doortaa doorasho xor ah afartii sanaba mar.
Warbixinaha ku saabsan, yaa u codeyn kara doorashooyinka baarlamaanka, halkan ayaad ka heleysaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Madaxa dowladda Finland waa madaxweynaha jamhuuriyadda (tasavallan presidentti). Madaxweynaha waxaa lagu doortaa doorasho. Xilliga uu xilka hayo madaxweynuhu waa lix sano. Hal qof wuxuu madaxweyne noqon karaa ugu badnaan laba xilli madaxweyne oo isku xigta, waxaa loola jeedaa 12 sano.
Madaxweynaha jamhuuriyaddu
- wuxuu ansixiyaa sharciyada,
- wuxuu magacaabaa saraakiisha sarsare,
- wuxuu hogaamiyaa siyaasadda dibadda isagoo la shaqeynaya xukuumada
- waa madaxa ciidamada Finland
Xukuumadda
Xukuumadda (Hallitus) waxaa kamid ah ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada kale. Baarlamaanka ayaa dooranaya ra’iisal wasaare waxaana shaqada u magacaabaya madaxweynaha jamhuuriyadda. Wasiirada kale waxaa magacaabaya madaxweynaha ra’isal wasaaruhuna wuu soo jeedinayaa.
Xukuumaddu waxay diyaarisaa islamarkaasna dhaqan-gelisaa go’aanada uu baarlamaanku sameeyay. Xukuumaddu shaqo ahaan waxay wakiilka u tahay baarlamaanka, waxaa loola jeedaa wasiiradu waa inay heystaan kalsoonida baarlamaanka. Wasiiradu waxay diyaariyaan arrimaha ay xukuumaddu go’aamiso. Wasiiradu waxay hogaamiyaan shaqada dowliga ah ee wasaaradaha. Wasaaradaha waxaa ka hoos shaqeeya hay’ado iyo qeybo kale. Tusaale ahaan Xafiiska dal u soo guuristu wuxuu hoostagaa wasaaradda arrimaha gudaha.
Maamul deegaameedka dowliga ah
Maamul deegaameedka dowliga ah waxaa loola jeedaa hay’adaha ama saraakiisha qabta shaqooyinka dowladda. Hay’adaha soo socda ayaa kamid ah maamul deegaanka dowliga ah:
- Booliska,
- Dacwad-oogaha,
- Hay’adaha la wareegista hantada,
- Rajistareeshinada,
- Xafiisyada shaqada iyo ganacsiga,
- Xafiisyada canshuuraha,
- Kastmaka,
- Xafiisyada kaalmada sharciyadeed.
Wixii warbixin dheeraad ah ee masuuliyiinta iyo shaqooyinkoodana halkan ayaad ka heleysaa.
Xigasho: InfoFinland