Waajibaadka kiraystaha
Markaad guri kireysato, waxaad leedahay xuquuq iyo waajibaad.
Waxaad xaq u leedahay
- inaad u deganaatid guriga sida heshiiska kiradu uu dhigayo.
- ugu noolaatid gurigaagga nolol caadi ah.
- nabadgelyo guri. Jaarkaaga / deriskaagu ma rabsheyn karaan nabadgelyada gurigaagga tusaale ahaan habeenkii shanqadh xoog badan ma sameyn karaan. Guryaha inta badan aamusnaanta iyo shanqadh la’aantoodu waa saacadaha u dhexeeya 22.00 – 07.00. Haddii uu jaarkaagu tusaale ahaan sameeyo shanqadh xoog badan marka hore kala hadal arrintaas jaarkaaga. Haddii ay taasi caawin weydo waxaad la xidhiidhi kartaa shirkadda guryaha ma qofka gurigga kaa kireeyey. Nabadgelyada gurigga waxaa looga jeedaa sidoo kale in aad adigu go’aamin karid qofka gurigaagga imanaya. Tusaale ahaan qofka gurigga kaa kireeyey gurigaagga wuxuu iman karaa oo kaliya haddii ay sabai jirto, tusaale ahaan haddii uu eegayo gurigga waxyaalaha laga hagaajinayo. Wuxuuna ku khasban yahay inuu arrintaa marka hore adiga kaala xaajoodo.
- in horey laguu soo ogeysiiyo, haddii gurigaagga ma guryahaba wax laga hagaajinayo. Qofka gurigga kaa kireeyey waa inuu 14 maalmood ka hor ku soo wargeliyaa wixii yaryar ee gurigga laga hagaajinayo wixii waaweyna 6 bilood ka hor waa inuu ku soo wargeliyaa. Haddii waxa la hagaajinayo si dhakhso ah loo sameynayo looma baahna inuu qofka kaa kireeyey horey kuugu soo sheego. Haddii aanad deganaan karin gurigaagga marka la sameynayo, waxaad xaq u leedahay inaad gurigga fasaxdid oo aad burisid heshiiska kirada ama aad bixisid kiro intii hore ka yar, oo laguu sameeyo qiime dhimis kiro. Koleyba waa in aad kala xaajootid arrintaas qofka gurigga kaa kireeyey.
- inaad heshid ogeysiis qoraal ah, haddii ay gurigaagga kiradiisu kor u kacayso. Ogeysiiskaas waa in ay ku qornaato, intee ayaa ku kordheysa kirada. Ogeysiiska sidoo kale waa in ay ku qornaato sababta ay kiradu u kordheyso, maxay tahay sababta ay kiradu u kacayso.
- inaad qeyb gurigga ka mid ah aad ka kireyn kartid qof kale, haddii uu qofka gurigga kaa kireeyey ogolaansho kuu siiyo inaad qof kale ka kiireyn kartid oo uu kula soo degi karo.
Xigasho: InfoFinland
Tässä videossa näytetään, miten tampataan matot, imuroidaan, pestään lattia, puhdistetaan lavuaari ja lajitellaan roskat
Tässä videossa tutustutaan pyykinpesuun, käydään suihkussa ja näytetään, että sähkölaitteisiin ei saa koskea märkänä.
Tässä videossa ollaan yöllä hiljaa sisällä ja ulkona sekä säilytetään tavaroita oikeissa paikoissa.
Tässä videossa tutustutaan pesutuvan käyttöön omalla vuorolla, käytetään pesukonetta ja kuivausrumpua ja siivotaan omat jäljet.
Tässä videossa tutustutaan uunin käyttöön, puhdistetaan uuni, käytetään vesihanaa ja käytetään ruokaöljyä.
Tässä videossa tutustutaan sähkölieden ja kaasulieden käyttöön, pestään liesituuletin, säilytetään ruokaa jääkaapissa, lämmitetään ruokaa ja puhdistetaan mikro.
Tässä videossa näytetään, miten puhdistetaan lattiakaivo ja WC, pestään lavuaari ja peili, avataan tukkeutunut lavuaari ja säilytetään pesuaineita oikein.
Tässä videossa tutustutaan jääkaapin ja pakastimen eroihin, vaihdetaan jääkaapin lamppu ja sulatetaan pakastin.
(Lähde: Suomen Pakolaisavun VertaisKoto ja Kotilo-projekti, Helsingin kaupungin maahanmuuttoyksikkö ja Metropolia ammattikorkeakoulu)