Koorsooyinka machadka ee Vanajavesi
Haddii aad shaqeysid, waxaad ka baran kartaa luqada finnishka machadka Vanajavesi koorsooyinkiisa. Koorsooyinka waxaa la diyaariyaa gelinka dambe iyo/ ama habeenkii ilaa iyo 3 saacadood wiigii. Koorsooyinkaa waxaa la iska diiwaangeliyaa bilaha janaayo iyo ogoosto. Koorsooyinka heerarkoodu wey kala duduwan yihiin. Koorsooyinku waa lacag. Machadka Vanajavesi jadwalka koorsooyinkiisa waxaa lagu qeybiyaa boostada oo guri kasta oo Hämeenlinna ah waa loo diraa. Waxaad jadwalka koorsooyinka sidoo kale ka soo qaadan kartaa machadka Vanajavesi, barta adeegga ee Kastelli ama leybareriga.
Wixii warbixin dheeraad ah halkan ayaad ka heleysaa:
Wixii warbixin dheeraad ah ee diiwaangelinta ahna halkan ayaad ka heleysaa.