Ammaanka dabka / gubashada
Finlan waxaa jira sharci, in guri walba ay ku xidhnaato bahasha qeylisa ee digta marka dabku qiiqo. Bahasha dabka ama qiiqa qeylisaa waa qalab, kaaso o dareema dabka gurigga ka dhalan doona ee suurtogalka ah. Dab diguhu wuxuu badbaadin karaa naftaada. Haddii gurigaagga uu dab ka dhasho, dab diguhu wuu qeylinayaa dhawaaq aad u dheer oo aad ku baxsan kartid si dhakhso ah. Hal dab dige ayaa ku filan 60 afar isku weer in dhan. Haddii gurigaagga cabirkiisu uu yahay 65 afar isku weer, waxaad u baahan tahay laba dab sheege. Haddii uu gurigaaggu ka badan yahay hal dabaq xisaabi dabaq walba cabirkiisa goonida. Dabaq walbana waa inuu lahaade dab digeyaalyaal ku filan. Ku dhaji badhtamaha saqafka qolka, si yy dab diguhu u dareemo qiiqa dabku ka dhalanayo sida uhu dhakhsaha badan.
Soo qaadashada dab digeyaasha waxaa masull ka ah qofka gurigga degaya, waa adiga shaqadaada. Waxaad dab digaha ka soo iibsan kartaa tusaale ahaan tukaamada alaabaha lagu iibiyo, tukaamadda waaweyn ee maalin walba laga adeegto ama kuwa biraha iibiya. Dab digeyaashu wey kala duduwan yihiin waxaad ka sii wareysan kartaa tukaan iibiyaha.
Tijaabi bishii hal mar, inuu dab diguhu shaqeynayo. Ka badal dhagaxaanta ama baeytariyaasha , haddii loo baahdo, waxaa wanaagsan ugu badnaan sanadkuu hal mar inaad ka badashid.
Waa inaad keensatid gurigaagga bustaha wax lagu damiyo. Waxaana wanaagsan inuu kuu yaala madbakha/jikada shawlada agteeda. Gurigaagga wey fiican tahay inuu yaalo olol bakhtiiye. Guryaha dabaqyada ah qaarkood dab bakhtiiyuhu wuxuu ku dhegan yahay daarada guryaha ka dhaxaysa. Soo ogow meesha uu yaala iyo sida loo isticmaalo.
Guryaha finnishka badankoodu waxay leeyihii sauna. Xataa hadaanad adigu isticmaaleynin saunada, weligaa wax ha dul saarin saunada meesha la shido dusheeda, haddii kale waxaa ka dhalan kara dab. Tusaale ahaan weligaa ha ku qalajin saunada korkeeda dhar ama meel u dhow meesha la shido. Bakhtii ama dami meesha la shido korontadeeda markasta oo aad isticmaashid ka dib.
Ha kaga tagin cuntada showlada oo kulul, haddii aad ka baxaysid gurigaagga. Ha ku keydin wax weel ah amaba alaab kale ah showlada korkeeda. Tusaale ahaan carruurta yaryari si lama filaan ah wey u shidi karaan showlada. Markaasna alaabta showlada korkeeda saarani dab wey dhalin karaan. Haddii uu dufan ololo, markaad cuntada karineysid, ku cabudhi ololka tusaale ahaan digsiga ama waxaad wax ku shiileysid daboolka ama bustaha dabka lagu damiyo. Ha isticmaalin biyo.
Dami qalabka kooraanka ku shaqeeya markaanad isticmaaleynin. Markaad gurigaaga ka baxaysid, hubo, in showladaha madbakha iyo saunada dhagaxdeeda iyo tusaale ahaan mishiinka qaxwaha lagu karsado in ay damsan yihiin. Sidoo kale hubi, in aad kaaweeda/feerada aad ka saartey korontada.
Ha isticmaalin qalabka korontada, kuwa aan wanaagsaneyn, jaban ama kuwa xadhigoodu ciladeysan yahay. Qalabkaasi waxay dhalin karaan dab inuu dhasho.
Haddii uu qalab koronto dhaliyo olo lama dab, cabudhi ololka oo ku cabudhi tusaale ahaan bustaha dabka lagu bakhtiiyo ama dab damiyaha. Ha isticmaalin biyo.
Haddii uu gurigaagu leeyahay diiriye koronto ku shaqeeya ma diiriyeyaal, ha dul saarin waxba, tusaale ahaan ha saarin dushooda dhar ama wax daboola.
Talaagada/ finijeerka, barfeeyaha, mikrooga ama telefishankaba agtooda banee oo waxba ha dhigin. Ha daboolin kuwaas. Haddii ay suurtogal tahay talaagada iyo barafeeyha shabaga xaga dambe kaga dhagan nadiifi sanadkii hal mar.
Si dheeraad ah uga taxadir, haddhii aad shamacyo shidatid. Waligaa ha ku shidin shamacyada daahyada agtooda.
Haddii uu dab ololo ama dhasho, wac lumbarka gargaarka degdega ah 112.
Xigasho: InfoFinland
Pelastuslaitokset:
Turvallisesti omassa kodissa -opas
Tässä oppaassa kerrotaan kuvien avulla, miten voit lisätä asuntosi paloturvallisuutta ja mitä teet hätätilanteessa. Oppaassa on myös tarkistuslista, jonka avulla voit arvioida omaan turvallisuuteesi liittyviä asioita.
Tässä videossa näytetään, miten vaihdetaan lamppu ja sulake sekä koetaan sähkökatko ja tutustutaan palovaroittimeen ja sen asennukseen.