Iskuuladda dal la qabsiga
Ujeedadda tababarka is-dhexgalka ayaa ah in ardaygu ku guuleysto xirfadaha luqadeed ee aasaasiga ah (heerka aqoonta luqadda B1.1 = YKI heerka dhexe (3)). Cutubyadda waxbarasho ee tababarka is-dhexgalka waa sida soo socota:
XIRFADAHA LUQADDA FINNISHKA IYO ISGAARSIINTA
- hadalka, fahamka dhageysiga, qorista iyo fahamka akhrinta
- is-dhexgalka maalinlaha ah iyo wada xiriirka af Finnishka
NOLOSHA SHAQADDA IYO XIRFADAHA MADANIGA AH
- macluumaadka teknoloojiga iyo xirfadaha raadinta
- shaqada iyo shaqooyinka Finland
- barashada shaqada (goobaha shaqada dhabta ah)
- tababarka shaqa raadinta
- Bulshada Finland
Qeybaha daraasadda waxaa looga wada hadlayaa si xirmo ah, lama kala qaadaayo! Luuqadda finnishka, nolosha shaqada iyo xirfadaha madaniga ah dhammaantood waxaa laga hadlaa maalintii oo dhan.
Tababbarka is-dhexgalka bulshada waxaa la sameeyaa waqtiga maalintii, 5 maalmood usbuucii iyo 7 saacadood maalintii.
Luqadda wax lagu barto: Finnish. Barashada waxaa ka mid ah dhamman xiriirka iyo waxbarashada fogaan araga.
Barashada waxay u baahantahay kaqeybgal joogta ah oo firfircoon ee barida iyo daraasadka madaxabanaan.
Marxaladihii hore ee tababarka is-dhexgalka (Mod1 + Mod2) waxay diiradda saarayaan xirfadaha aasaasiga ah ee luqada finnishka, iyo kadibna Mod3 iyo Mod4 waxay xoogga saareen nolosha shaqada iyo tababaradda xirfadeed.
Tababbarka is-dhexgalka wuxuu ka kooban yahay cutubyo. Muddada iyo heerka horumarka ee cutubyadu way kala duwanaan karaan iyadoo loo eegayo heerka xirfadeed ee kooxda. Tababarka waxaa ku jira qaybo uu ardaygu u baahan yahay, qasab maahan dhammaan qeybaha.