Dhaqanka finnishka ee cuntada
Finnishku waxey cunaan cuntooyinka lagu yaqaan Yurubiyiinta, taas oo ah inta badan hilib, kalluun, baradho, bariis ama baasto. Cunista cuntooyinka khudaarta ah waxey noqotay mid la jecel yahay. Waa iska caadi in la cuno labo cunto oo kulul, qado iyo casho. Dadka waaweyn xittaa Finland waxey inta badan ka cabaan caanaha.
Qadada waxaa Finland laga cunaa waqti ka horeeya waqtiyada wadamo kale laga cuno. Goobaha shaqada iyo dugsiyada qadadu waa inta badan 11-12. Waqtiga cashada ee caamka ah waa qiyaas ahaan shanta galabnimo.
Finland waxaa inta badan sare loo qaadaa caafimaadka cuntada. Waxyaabaha ay ka midka yihiin rootiga madow iyo mushaariyooyin kala duduwan waxey qeyb muhiim ah ka yihiin dhaqanka cuntada Finnishka. Tusaale ahaan Lapland waxaa laga cunaa hilibka deerada, halka dhulka xeebahana laga cuno kalluun. Dhinaca kale dhaqanka cuntadu wuu isbeddelaa. Tusaale ahaan baastada Talyaaniga iyo dhaqanka cuntada Aasiyaanku waxey ka muuqdaan Finland.
Xannaano-maalmeedyada iyo dugsiyada waxaa carruurta iyo dhallinyarada laga siiyaa cunto. Dhammaantood cuntada dugsigu waa u lacag la’aan, mana loo baahna in cunto loo soo qaato dugsiga.
Finland waxaa laga cabaa kafee badan. Tusaale ahaan xafladaha ku dhowaad markasta waxaa laga bixiyaa kafee. Shirarka goobta shaqada waxaa inta badan lagu cabaa kafee.
Finland cabitaanada aalkoladu waa qaali, gadashadooda waxaa lagu xiray da’ dadka dhallinyarada ah dartood. Dukaanka cuntada waxaa laga iibsan karaa oo kaliya cabitaanada aan cusleyn. Cabitaanada aalkolada ee culus waxaa laga gataa dukaamada Alko ee ay dowladdu u dejisay. Wadista baabuurka iyadoo khamri la cabsan yahay waxaa macmnuucaya sharciga, waxaana ka dhalan kara ciqaab daran.
Wax ka cunista maqaayadaha Finland mid inta badan ka qaalisan wadamo kale oo badan. Cabitaanada aalkolada xittaa waa ka qaali maqaayadaha. Lacagta cabitaanka looma baahna in laga tago ama siiyo, haddii aan la dooneyn in loo dhiibto mahadcelin gaar ah oo ka dhalatay adeeg wanaagsan.
Xigasho: InfoFinland