Waxbarashadda diyaarinta, luuqadda 2aad ee Af-fiinishka iyo Diinta
WAXBARASHADDA DIYAARINTA
Inta aan ilmuhu bilaabin waxbarashadda guud, waa in uu marka hore luuqad Af-fiinish ah oo ku filan ku hadlayaa.
Waxbarashadda diyaarinta waxa loogu talogalay ardaydda ajaanabka ah ee da’dda waxbarasho ee waajibka ah taagan. Ardayga waajibkiisa waxbarsho waxay dhamaanaysaa sannadka ardaygu buuxinayo d’adda 18 sanno. Ilmuhu waxbarshadda diyaarinta wuxuu ku baranayaa aasaasiga luuqadda Af-fiinishka. Waxbarashadu waxay socotaa 1–2 sano ama in ka yar. Inta badan sannad weeye.
Intaa ka dib ardaygu wuxuu u wareegayaa fasalka caadiga ah ee isla iskuulkaa. Kaas oo ah mid u dhow gurigiisa. Ardaygu waxa la gaynayaa fasalka uu aqoon ahaan u qalmo.
Iskuuladda fasaladda diyaarinta leh ee hadda Hämeenlinna ku jaalaa waa Iskuulka Seminaari (fasaladda 1.−6.), Iskuulka Jukola (fasaladda 1.−6.) iyo Iskuulka Lyseo (fasaladda 7.−9.)
Waxbarashada Af-fiinishka ee (S2)
Ilmaha luuqadiisa hooyo ahayn Af-fiinish ama Af-iswiidhis degaanka ayaa u diyaarinaya barashadda luuqadiisa hooyo. Ardaygu waxbarashadiisa Af-fiinishka (ama Af-iswiidhishka), luuqad 2aad ahaan wuu sii wadan karaa. Haddii ardayga luuqadiisa Af-fiinishka (ama Af-iswiidhiska) ahayn luuqadiisa hooyo, waxa la barayaa markaa luuqadda Af-fiinish ee loo yaqaan S2.
Waxbarashadda Diinta
Ardaygu xaq ayuu u leeyahay in uu diinta uu aaminsan yahay barto. Haddii ardaydda iskuulka dhigataa gaadhaan saddex oo waalidkuna rabo in diinta la baro, waa la barayaa. Lakiin waa in ardayga diintiisu diwaan gashan tahay.
Sanadadan 2021-2022 Diimaha kala duwan ee ardaydda iskuuladda dhigata la kala barayaa waa Diimaha kiristaanka sida, (evankelislureeriyan, ortodoksi, katoli iyo qaab-aragti nololeed) Sidoo kale ardaydda Diinta islmaaka haysata waxa la barayaa Diintoodda Islaamka.
Waxbarashadda dhaqanadda kala duwan – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Simistarka iyo fasaxyadda – Hämeenlinna (hämeenlinna.fi)
Waxbarashadda luuqadda Af-fiinishka S2 -opetus | Opetushallitus (oph.fi)
Waxbarashadda aasaasiga ah– InfoFinland
Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti
Xilhayaha waxbarashadda: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti