Fasaxa jirada
Haddii aad xanuunsatid ama shil kugu dhaco, xaq waxaad u leedahay inaad ka maqnaatid shaqada. Markaad xanuunsaneysid ama shil kugu dhaco ee aad tagi kari weydo shaqada , wac isla subaxdiiba goobtii shaqada iyo madaxdii shaqadaada. Shaqo bixiyuhu xaq buu u leeyahay inuu kaa dalbado warqad cadey ah, taas oo cadeyneysa inaad xanuunsaneyso ama shil kugu dhacay. Madaxdaad wuxuu kuu sheegayaa, inaad u baahan tahay in aad isla markaaba keentid warqada cadetynta jirada iyo inaad keeneysid uun maalinta afraad ee jiradaada.
Shaqo bixiyaha waxaa waajib ku ah in uu mishaharkaaga bixiyo mudadda aad xanuunsaneysid. Haddii ay shaqadaadu sii soconeyso. bil in ka badan intaanad xanuunsanin ama shilku kugu dhicin, waxaad heleysaa mishahar buuxa ugu yaraan sagaal maalmood muddo jiro ah ka dib, Haddii aad markaa ka dib xataa aad ku noqon kari weydid shaqada, waxaad ka dalban kartaa Kelada lacagta xanuunka ee maalintii, haddii aad ku jirtid ceymiska jirada ee Finland.
Waxaa dhici karta, in heshiiska shuruudaha shaqadaada aad ka heshiisee shuruudo kale, oo aad mishaharkaaga qaadaneysid muddo dheer.
Wixii warbixin dheeraad ah amaankaee bulshada halkan ayaad ka heleysaa.
Xigasho: InfoFinland