Gaadiidka iskuuladda
Ardeyda waxaa loo diyaarinayaa gaadiidka iskuulada, marka safarka iskuulka ugu dhowi uu ka badan yahay 5 km. Carruurta ku jirta u carbinta waxbarashada ama ardeyda fasalada 1.-2. dhigta waxaa loo qorsheynayaa gaadiid iskuulka geeya, haddii masaafaddu ay ka dheer tahay 3 km. Gaadiidka dadweynaha ka dhexeey ayaa mudnaanta koobaad leh, marka la isticmaali karo.
Codsiga gaadiidka
Waxaa suurtogal ah in codsiga loo sameeyo si elektarooni ahaan ah ama in loo diro foomka warqada ah oo la soo buuxbuuxiyey gudoonka waxbarashada iyo adeegga tusaaleynta badqabka. Foomka waxaa laga soo daabcan karaa halkan. Boosto ahaan codsiga waxaad ku soo hagaajineysaa: mgaaladda Hämeenlinna, gudoonka waxbarashada iyo adeegga hagitaanka badqabka: Sivistys ja hyvinvointi/koulukuljetukset, Wetterhoffinkatu 2, 13100 Hämeenlinna ama ka jawaabcelinta codsiga magaaladda barteeda adeegga.
GAADIIDKA ISKUULKA EE KU MEEL GAADHKA AH
Waxaa suurtogal ah in aad hesho, hadii aad shil ku gashay iskuulka oo aynan su suurtogaleynin in aad qaab kale iskuulka ku tagtid.
HOWLAHA WAXQABADYADA AROORTII- IYO GALABTII
Gaadiidka iskuulka lama heli karo, haddii uu ilmuhu ka qeybgalayo howlaha waxqabadyada aroortii- iyo galabkii. Gaadiidka waxaa loogu talogalay xilliyada iskuulka oo kaliya.
GAADIIDKA HAL CINWAAN OO KALIYA
Gaadiidka waxaa lagu qoresheynayaa ilmuhu cinwaanka oo sida sharciyeysan u degan yahayoo kaliya, kaas oo ah kan ku calaamadeysan xafiiska diiwaanka bulshada, xataa waalidka haddii ay ka dhaxayso masuuliyadda ilmuhu.
MARINADA GAADIIDKA (PDF)
Halkan ka sii akhriso gaadiidka iskuulka (qoraalku waa finnish).