
Sanad-dugsiyeedka 2026–2027
- Xagaaga: 12.8.–22.12.2026
- Fasaxa dayrta: 12.10.–16.10.2026
- Fasaxa kirismaska: 23.12.2026–6.1.2026
- Gu’ga: 7.1.–5.6.2027
- Fasaxa jiilaalka: 1.-5.3.2027
- Fasaxa xagaaga: 6.6.-10.8.2027
Dersiga afka hooyo wuxuu bilaaban doonaa dabayaaqada bisha Agoosto.
Howlaha subaxnimo iyo galabnimo
Ardayda fasallada 1aad iyo 2aad iyo kuwa haysta taageerada waxbarashada waxay ka qeyb qaadan karaan howlaha subaxnimo iyo galabnimo.
Macluumaad dheeraad ah iyo codsashada: Daryeelka subaxa iyo gelinka danbe ee ilmaha
Gaadiidka dugsiga
Gaadiidka dugsiga waxaa la bixiyaa haddii masaafta u dhaxeysa guriga iyo dugsiga kuugu dhow ay ka badan tahay 5 km. Carruurta fasallada 0–2aad waxaa loo oggol yahay gaadiid haddii masaaftu ka badan tahay 3 km.
Akhri wax dheeraad ah: Gaadiidka iskuuladda
App-ka MunApp ee gaadiidka dugsiga
Ardayda ku safarta taksiga waxay heli doonaan jadwalka iyo wadooyinka gaadiidka dugsiga ee MunApp. App-kan waxaa lagu isticmaali karaa bogga: munapp.kuntalogistiikka.fi ama adoo soo dejisanaya app-ka moobilka. Fadlan hubi in xogta ilmahaaga ay si sax ah ugu jirto nidaamka.
Ardayda u safarta dugsiga baska
Hubi inaad lacag ku shubtay kaarka safarka Waltti, adoo isticmaalaya Waltti-verkkokauppa ama adeegga dadweynaha ee Hämeenlinna: Kastelli.
Howlaha xiisaha (hobby) leh ee ardayda
Hiwaayado bilaash ah oo u dhow ardayda dugsiyada hoose iyo sare.
- Liikuntalukkari – dhaqdhaqaaqyo isboorti oo bilaash ah fasallada 5–9aad
- Nuorisopassi – dhammaan ardayda fasallada 5–9aad ee Hämeenlinna
- Hiwaayad ka dhiganta – qiimo-dhimisyo iyo dalabyo gaar ah oo ku saabsan hiwaayadaha loogu talagalay ardayda fasallada 5–9aad
- Naadiyada dugsiyada
Faahfaahinta xirirka
- Weydii iyo hagid: perusopetus@hameenlinna.fi
- Gaadiidka dugsiyada ee barbaarinta iyo waxbarashada aasaasiga ah: koulukuljetukset@hameenlinna.fi
Kaalay adeeegga la-talinta qoysaska caalamiga ah ee Xarunta Kastelli maalmaha Talaadada iyo Khamiista inta u dhaxaysa saacadaha 13:00 ilaa 15:30. Adeegga talo-bixinta qoysaska caalamiga ah – MyIntegration
Sanad dugsiyeed wacan dhammaan ardayda bilaabaya waxbarashada!

