Daryeelka subaxa iyo gelinka danbe ee ilmaha
Ulajeedadda ilmaha loo daryeelayo subaxa iyo gelinka danbe waxa weeye in waxqabadka baraarinta ee iskuulka iyo guriga la taageero oo isla markaasna ilmaha lagu koriyo goob ammaan leh. Ilmaha in loo fidinayo fursado kala duwan oo uu kaga qayb qaadan karo waxqabadyo fara badan oo farxad leh. Daryeelka subaxa iyo gelinka danbe ee ilmuhu wuxuu si gaara muhiim ugu yahay ilmaha waalidkoodu saacado badan shaqaynayaan. Waa in ilmaha hore loogu sii dalbaa booska daryeelka subaxa iyo galinka danbe. Degaankuna lacag yar oo fee ah ayey waalidka ka qaadaan.
Iskuuladda Hämeenlinna waxa lagu diyaariyaa daryeelka subaxa iyo gelinka danbe, waxaana loo dalbi karaa ardaydda dhigata fasaladda 1aad iyo 2aad iyo ardaydda loo qaatay waxbarashadda gaarka ah.
DALABKA
Dalabka ka samee barnaamijka Wilma ee dhanka internetka. Dalabka warqad ahaan iyo sida loo buux buuxinayo caawintiisa waxaad ka helaysaa goobta ajaanabka ee Kastelli.
DALABKA LACAG KA DHAAFISTA DARYEELKA ILMAHA EE SUBAXA IYO GELINKA DANBE
Waalidku waxay dalban karaan in lacagta daryeelka ilmaha subaxa iyo gelinka danbe laga daayo, waa haddii qoysku qaato lacagta aasaasiga ee nolosha ama haddii dakhliga ama dhaqaalaha reerka soo galaa aad u hooseeyo. Lacag ka daynta waxa reerka loo oggolaan karaa laga bilaabo bilowga bisha ay dalabka soo xaraysteen. Lacag ka dhaafista waxa lagu codsanayaa dalabkan (dalabku kuma shaqaynayo bogga Internet ee Explorer).
Ilmo-xanaanaynta subaxa iyo gelinka danbe – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Waxbarashadda aasaasiga ah – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Simistarka iyo fasaxyadda – Hämeenlinna (hämeenlinna.fi)
Waxbarashada aasaasiga ah – InfoFinland
Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti
Xilhayaha waxbarashadda: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti