Rugta talobixinta dadka dalka u soo guuray ee Kastelliga

Adeegga hagitaanka iyo talobixinta luqadaha badan ee Hämeenlinna.
Rugta talobixinta dadka dalka u soo guuray waxaad ka heleysaa macluumaadka iyo talooyinka arrimaha nololmaalmeedka. Tusaale ahaan:
- deegaanka
- shaqada
- waxbarashada
- foomamka iyo arrimaha ruqsadaha
- wakhtiga firaaqada
Waxaan dadka ka caawinnaa sida wax looga qabto arrimaha dowladda la xiriira iyo isticmaalka adeegyada elegtroonigga ah. Rugta talobixintu dadka oo dhan ayeey u furantahay waana lacag la’aan.
Warbixinsiinta-ajnabigu ma ahan wakiilka xafiiska laanta socdaalka.
Wakhtiyada shaqada
Waxaan shaqaynaa maalmaha isniinta-jimcaha saacadaha 10-12 iyo 13-16. Talobixinta sidoo kale waxaad heli kartaa maalmaha shaqada laga bilaabo 9:00 ilaa 16:00 lambarka adeega guud ee 050 304 5472.
La-talinta waxay ka dhacdaa xarunta adeegga Kastelli, oo ku taalla Wetterhoffinkatu 2, Hämeenlinna, iyada oo aan ballan laga sii qabsan. Magaalada Hämeenlinna waxay isticmaashaa turjubaan haddii loo baahdo xilliga adeega.
Ka dooro mashiinka lambarada safka Kansainvälinen palveluneuvonta 1” ama “Kansainvälinen palveluneuvonta 2”, iyadoo ay ku xirantahay luqadda aad rabto inaad ku hesho adeegga.
Luqadaha adeegga ee maalintaas ayaa ku qoran boodhka ku yaalla agagaarka mashiinka, sidoo kalena hoos ayaa liis ahaan loogu soo bandhigay:
Isniinta
finnish, soomaali, ingiriis tel. 050 344 1595
finnish, ingiriis, af yukreeni tel. 040 516 1785
Talaado
finnish, carabi tel. 040 145 5469
Arbaco
finnish, kurdi-sooraani, beershiya, dari, tel. 050 475 7114
finish, ingiriisi, sinhala, tel. 0406307733
Khamiis
finnish, ingiriis, af yukreeni tel. 040 516 1785
Jimce
finnish, istooniya, ruush, ingiriis tel. 050 434 2152
finnish, tagalog, ingiriis, tel. 040 778 6247
Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa la-taliyeyaasha adeegga si taleefan, farriin qoraal ah, Signal iyo WhatsApp inta lagu jiro waqtiyada la-talinta ee kor ku xusan.
Waxaad sidoo kale emayl ahaan ku soo qori kartaa luuqadaada hooyo,kuna soo hagaaji emailkaan: kansainvalineninfo@hameenlinna.fi.

