
Kielikahvila – Kafateeriyada Luqadda
Kielikahvila waa meel kulan oo dabacsan, halkaas oo dadka deegaanka iyo dadka caalamiga ah ay ku wada sheekaystaan af-Finnish. Waxaa la isticmaali karaa agab wada-sheekeysi iyo caawimaad eray-bixin ah. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa in la wada joogo oo la is dhexgalo. Kooxaha wada-sheekeysiga waxaa loo sameeyaa iyadoo lagu salaynayo heerka aqoonta luqadda, sidaas darteed waxaad ka qayb qaadan kartaa kooxda ku habboon heerkaaga. Waa bilaash, uma baahnid inaad isdiiwaangeliso – kaliya soo xaadir
Khamiis kasta saacadda 16:30–17:30. Kulanku wuxuu marba mar ka dhacaa: Maktabadda weyn ee Hämeenlinna ama HAMK, xarunta Visamäki (Dhismaha N)
Macluumaad dheeraad ah: Kielikahvila
Luetaan yhdessä – Aan wada baranno akhriska
Waxaan ku tababaranaynaa af-Finnish annagoo ku hadlayana, qorayana iyo akhrinayana. Kasoo qayb galku qof walba way u furan yihiin waana bilaash. Waxay ku habboon yihiin dadka baranaya af-Finnish heer kasta ha joogee. Looma baahna in hore loo isdiiwaangeliyo, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta. Carruurta waxaa loo diyaariyey xannaano carruur.
Isniin iyo Talaado saacadda 10–12 Goobta: Kumppanuustalo
Macluumaad dheeraad ah: Opetusryhmät | Luetaan yhdessä
Hämeen Setlementti
Kooxaha af-Finnishka ee Hämeen Setlementti qof walba way u furan yihiin waana bilaash. Waxay ku habboon yihiin dadka baranaya af-Finnish heer kasta ha joogee. Looma baahna in la isdiiwaangeliyo, waxaadna bilaabi kartaa wakhti kasta. Goobta: Hämeen Setlementti, Keskustalo, Palokunnankatu 16.
Bilowga af-Finnishka: waxaa lagu baranayaa aasaaska af-Finnishka si fudud, waxaana sidoo kale lagu baranayaa bulshada iyo nolosha Finland iyadoo ay caawinayaan mutadawiciin. Arbaco iyo Jimce saacadda 10–12.
Luovasti suomea – Af-Finnish si hal-abuur leh: Waxaa lagu baranayaa af-Finnishka iyo dhaqanka Finland iyadoo la wada samaynayo hawlo kala duwan. Casharrada waxaa ka mid noqon kara ciyaaro, farsamo-gacmeedyo iyo muusig. Arbaco iyo Jimce saacadda 12.45-14.15.
Macluumaad dheeraad ah: Suomen kielen ryhmät – Hämeen Setlementti ry
SPR: Kooxaha bilowga af-Finnishka
Kooxaha af-Finnishka ee Laanqayrta Cas ee Finland (SPR) waxaa lagu tababartaa isticmaalka af-Finnishka ee nolol maalmeedka, iyadoo lagu jiro jawi wanaagsan oo saaxiibtinimo leh. Kooxaha luqadda, macallimiinta/mutadawiciinta ayaa ka caawiya ka qaybgalayaasha barashada af-Finnishka.
Isdiiwaangelin: minna.tuominen@osasto.punainenristi.fi. Ka qaybgalayaasha waxaa xaqiijinta isdiiwaangelinta loogu soo diraa iimayl.
Macluumaad dheeraad ah: Suomen kielen oppimista mukavassa seurassa | Suomen Punainen Risti
Vanajaveden Opisto
Vanajaveden Opisto waxaad ku baran kartaa af-Finnishka koorsooyin lacag ah. Waxaa jira koorsooyin loogu talagalay dadka leh heerar kala duwan oo aqoonta afka ah. Qiimaha koorsooyinka waxaad ka arki kartaa bogga Vanajaveden Opisto.
Macluumaad dheeraad ah: Suomi – Vanajaveden Opisto

