Taageerada dhijitaalka ah

Kormeeraha adeega horumarinta isdhexgalka ee magaalada Hämeenlinna waxa uu ku caawiyaa marka ay dhibaato kaa haysato isticmaalka adeegyada dhijitaalka ah sida tusaale ahaan bangiga internetka ama marka aanad garanayn sida loo bixiyo biilasha.
Kaalay balan la’aan!
Goobta iyo ciwaanka: Rugta talobixinta ee Kastelli, Wetterhoffinkatu 2, Hämeenlinna.
Adeegga horumarinta la qabsiga, lambarka 2
Wakhtiga: Khamiista saacada 10:00 – 12.00 iyo 13:00-15:30
Luuqadahayagu waa Finnish iyo Carabi. Haddii loo baahdo waxaan isticmaalnaa adeegyada turjumaada telefoonka.
Macluumaad dheer kala xiriir agaasimaha isdhexgalka:
kotoutuminen(at)hameenlinna.fi