Adeegsiga turjubaanka
Haddii aad tahay qaxooti, waxaad xaq u leedahay turjubaan, markaad u baahan tahay arrimaha bulshada iyo adeegyada caafimaadka. Turjubaanka ayaa sidoo kale kaa caawinaya gurigga iyo iskuulka wadashaqeynta ka dhexeysa.
Turjubaanku wuxuu ku turjumaa hadalka masuuliyiinta luqadaada. Turjubaanku si kastaba uma ahan caawiye adiga iyo masuuliyiinta midnaba. Ilmahaagu kuuguma adeegi karo turjubaan ahaan.
Masuuliyiinta ayaa kuu diyaarinaya turjubaanka, markaad u baahan tahay.
Markaad hesho jinsiyada finnishka, luqada waad taqaanaa in kugu filan, oo aad kula xaajootid masuuliyiinta. Si kastaba laakiin haddii aad u baahan tahay turjubaan, kala xaajoo arrintaa masuuliyiinta. Wey kuu dalbayaan turjubaan, haddii arrintaada lagu xalin kari waayo turjubaan la’aan.
Halkan ayaad ka akhrisan kartaa turjubaan adeegsiga.