Kala soocsoocida qashinka
Kala soocidda qashinku waa kala saarsaarista qashinka kala duduwan. Marka qashinka si saxa loo kala soocsooco, waxyaalaha ay ka sameysan yihiin ( tusaale ahaan biraha iyo caagaga) waxaa laga sameyn karaa alaab cusub. Kala soocidda qashinku waxay dhaqaale u tahay sidoo kale dabiiciga.
Guryaha banaankooda haanta qashinka lagu rido inta badan waxaa ku yaala tilmaamo ah, sida aad qashinka u kala sooceysid. Waxaad tilmaan ka weydiin kartaa sida qashinka loo kala sooco kireeyahaag ama shirkadda guryaha. Ha ku ridin musqusha qashin, cunto ama wax hadhaa ah. Ha ka tuurin qashin gurigaaga daaqdihiisa/ dariishadihiisa. Sidoo kale ha ku tuurin qashin dariiqa, barxadaha ama keynta. Gee mar walba qashinka halista ah (tusaale, xamuurada, ranjiga, dawooyinka dhacay iyo guluubyada dhaadheerba) meelaha lagu aruuriyo.
Guryaha banaanadooda sida qaalibka ah waxaa yaala weelal qashinka lagu rido iyo kuwo waraaqaha lagu rido. Sidoo kale guryo badani waxay leeyihiin maalo qashinka bio lagu rido, quruuradaha, biraha iyo kartoonaduna weel u gooni ah ayey leeyihiin. Ku rid waraaqaha dib loo warshadeynayo, biraha iyo kartoonadaba haanta qashinka ee loogu talogaley iyagoonan bac ku jirin. Haanta dib loo warshadeynayo xataa sidoo kale Hämeenlinna meelo badan bay ka yaalaan waxaanad tusaale ahaan quruuradaha iyo birahabageyn kartaa, haddii ayana gurigaaga agahiisa oolin haamaha loogu talogaley, waxaad ka fiirsan kartaa cinwaankan www.kierratys.info meelaha ay ku yaalaan Hämeenlinna haamaheeda wax lagu aruuriyaa.