Sideed uga hor tagi kartaa dhaawaca biyo furashada
Si joogto ah u hubi, in gurigaaga qasabadihiisu aynan da’aynin. Sidoo kale hubi in tusaale ahaan mishiinka weelka dhaqa, qaboojiyahaaga iyo kan dharka dhaqa midkoodna uunan dhulka biyo ku daadineynin.
Qabiijiyaha, barafeeyaha iyo mishiinka weelka meydhaba hoostooda waa inuu yaalo caaga biyo-ilaaliyaha ah. Waxaa loo rakibaa sida qaboojiyaha, barafeeyaha iyo mishiinka weelka loo rakibo oo kale. Qof xirfad u lihi waa inuu rakibo mishiinka weelka dhaqa, adigu iskaa uma rakiban kartid.
Bakhtii mishiinada dharka iyo weelka dhaqa, markaad guriga ka baxaysid. Xidh qasabadaha biyaha eemishiinka weelka iyo kan dharkaba mar walba, marka aanad mishiinada isticmaaleynin.
Haddii ay gurigaaga biyo ku furtaan, isku dey inaad tuubada biyaha ka xidhid meesha laga xayiro biyaha. Sida ugu dhakhsaha badan u wargeli biyahaa da’aya shirkada guryaha lumbarkooda heeganka.
Xigasho: InfoFinland