Ammaanka gurigga
Amniga gurigga waxaa la xidhiidha arrimo badan oo muhiin ah.
Si khaas ah uga taxadir qalabka korontada ee gurigga. Haddii aad si khaldan u isticmaashid qalabka korontada ama ay ciladi ku timaado, marka ay ugu daran tahay waxay dhalin karaan dab ama waxa dhici karta in si halis ah korontadu kuu qabsato ama kuugu dhagto. Haddii ay ciladi ku timaado qalbkaaga korontada, gee meelaha lagu hagaajiyo ama ha isticmaalin mar dambe qalabkaas. Qalabka ku shaqeeya korontada oo jaban lama isticmaali karo. Qalabka korontada waxa kaliya oo hagaajin kara koronto yaqaanka.
Haddii aad banaanka u baxaysid, dami mar kasta foornada iyo shawlada iyo sidoo kale mishiinka dharka-iyo kan weelka dhaqaba.
Si khaas ah uga taxadir sidoo kale shamacyada shidistooda. Shamacyada loogama tagi karo qolka iyagoo shidmaya. Waxaa muhiim ah in la xasuusto sidoo kale, in qofka weyni mar walba ilaaliyo shamacyada. Carruurta yaryari waxaa laga yaabaa tusaale ahaan in ay u tuuraan si lama filaan ah shamaca oo baxaya taasina ay keento inuu dab dhasho.
Lumbarka gargaarka degdega ah ee guud waa 112. Wac lumbarka gargaarka degdega ah, haddii aad tusaale ahaan u baahan tahay gurmadka dab damiska ama booliska ama aad dooneysid in ambalaasku uu kuu yimaado.
Deganuhu waa inuu ogaadaa sida saxda ah uu u dhowri lahaa guriga.