Qashinka iyo dib u isticmaalidda
- Qashinka isku jirka ah
- Qashinka bio
- Waraaqaha
- Kartoonada
- Birta
- Quruuradaha / dhalooyinka
- Beytariyaasha
- Qalabka korontada iyo elektarooniga
- Qashinka khatarta ah
Qashinka isku jirjira (Sekajäte) ee wax waxyaabaha intaa ka soo hadha oo dhan
HAA: Qashinka gabi ahaan anad rabin ama anad karayn inaad kala soocdo
MAYA: qashinka khatarta ah
Qashinka isku jirjira caadiyen waxa lagu gubaa qashinqubyada waaweeyn, waxana laga sameeyaa diirimaad iyo koronto.
Qashinka cuntada iyo waxyaaba ka yimaada (Biojäte)
HAA: qashinka cuntada, xataa cuntada qudhuntay ama xumaatay, kafeega budada laga kariyay, istaraashayaasha, diirka khudradaha kala duwan iwm.
MAYA: kemikaalada kala duwan, dhalada, birta, carada bisadda lagu kaadisiiyo.
Qashinka cuntada iyo waxyaabaha ka yimaada marka la kaydiyo waxay isku badashaa dhiiqo. Degmooyinka qaarkood waxay ka saaraan marka hore gaas laga heli karo koronto iyo diirimaad.
Warqad (Paperi)
HAA: jaraa’idada, xayaysiiska, baqshadaha iwm
MAYA: warqad, buugaag, warqadaha hadiyadaha, karaatoon, baakato qoyan ama aad wasakh u ah
Waxa dib looga sameeyaa warqadahaas jaraa’ido ama warqada musqusha.
Kartoon (Kartonki)
HAA: kartoomada caanaha, kartoonka, bacaha ka samaysan warqad, baakeetaha kartoonka laga sameeyay
MAYA: kartoon, warqadda hadiyadaha oo qoyan ama aad wasakh u ah
Kartoonka waxa laga sameeyaa tusaale ahaan kartoonka giraanta ah ee lagu wareejiyo istiraashooyinka la googoosto. Kartoomada alumiiniyumta ku samaysan waa la soocaa yadana.
Dhalo (Lasi)
HAA: dhalooyinka cabitaanada iyo kuwa cuntooyinka
MAYA: alaabaha dhalada ah, maacuunta dhalada ah, muraayadaha, dhooblowga, furarka dhalooyinka, daboollada daasadaha
Dhalooyinka waxa laga sameeyaa alaab dhalo ka samaysan oo wax lagu kaydiyo.
Birta (Metalli)
HAA: alaabta birta ah ama alaabta bir ka samaysan ee wax lagu kaydiyo ee u badan bir.
MAYA: qalabka korontada, bateriyada, alaabaha birta ah ee waaweyn ee aan geli karin weelka lagu rido alaabta dib loo isticmaalo
Biraha kala duwan waxa loo kala soocaa mishiino waxana laga sameeyaa alaab cusub.
Caag (Muovi)
HAA: baakadaha cuntada ee caaga ah oo faaruq ah, dhalooyinka faaruqa ah ee maadooyinka wax lagu dhaqo iyo dhalooyinka shaambada, kiishashka bacda ah, gasacyada faaruqa ah ee caaga ka sameysan
MAYA: Baakadaha PVC oo ay ku taal calaamadda 03, baakadaha ay ku jiraan haraaga waxyaabaha halista ah sida rinjiga, kiimikada, waxyaabaha caaga ah, alaabta carruurtu ku ciyaarto, buraashka ilkaha, joogga waraabka iwm.
Baakadaha caaga ah waxaa laga sameeyay alaabo cusub oo caag ka sameysan.
Qashinka isku jirjira (Sekajäte) ee wax waxyaabaha intaa ka soo hadha oo dhan
HAA: Qashinka gabi ahaan anad rabin ama anad karayn inaad kala soocdo
MAYA: qashinka khatarta ah
Qashinka isku jirjira caadiyen waxa lagu gubaa qashinqubyada waaweeyn, waxana laga sameeyaa diirimaad iyo koronto.
Qashinka khatarta ah (Vaarallinen jäte)
HAA: bateriga, bateriyada, rinjiga, koolooyinka, nalalka dhuudhuuban, nalalka tamarta keydiya, kiimikooyinka ay baakadahoodu ku qorantahay calaamadda digniinta
HALKEE: Meelaha lagu sooco qashinka khatarta ah, waxad ka eegtaa kierratys.info.
Baytariyada (Paristot)
HAA: Baytariyada yaryar iyo kuwa waaweyn ee guryaha, baytariyada tilifoonada.
HALKEE: caagadaha lagu kaydiyo qashinka ee gaduudka ah ama cas ee yaala tukaamada iyo kioskooyinka.
Birta baytariyada iyo waxyaabaha khatarta ah waxa la cusboonaysiiyaa si aamin ah ayaana loola macaamiilaa.
Qalabka korontada iyo elegtrooniga (Sähkölaitteet ja elektroniikka)
HAA:Alaabta ama qalabka gabi ahaan ku shaqeeya koronto ama baytari.
HALKEE: qalabka yaryar waxad gayn kartaa tukaamada iibiya qalabka elektrooniga ah alaabta waawaynna waxad gayn kartaa meelaha lagu ururiyo qashinka alaabta elegtrooniga ah, ka eeg kierratys.info.
Macdanta ama birta alaabta korontada ku shaqeeya (sida dahabka) waa la soocaa.