Waxbarasho-horaadka
Sida uu qabo sharciga dalka Finland dhexdiisa ilmuhu waa inay ka qaybgalaan waxbarasho-horaadka (esiopetus) ama wax qabad kale oo u dhigma, sannad ka hor inta aysan bilaababanin waxbarashada aasaasiga ama qasabka ahi. Waxbarasho-horaadku (esiopetus) waxay cunuga u diyaarisaa iskuulka hoose dhexe.
Carruurtu waxay waxbarasho-horaadka ku bilaabaan 6 sano iskuulka hoose dhexena 7 sano.
Waxbarashadda hordhaca ahi waa mid bilaa lacag ah. Ilmahana waxa la siinayaa raashin bilaa lacag ah.
Waxbarashada hordhaca ah waxa lagu dhigaa xanaanadda ama dugsiga hoose. Waxbarashadda hordhaca ahi waxay u bilaabantaa una dhamaataa sida simmistaradda iskuulka.
Waalidiintuna ilmahoodda waxay waxbarashadda hordhaca waxay qoraan inta badan bisha 1aad ama bisha 2aad ee sannadkaa.
Faahfaahin dheeraad ah: Waxbarashadda hordhaca ah – InfoFinland
Goobaha waxbarashadda hordhaca ee Hämeenlinna
Waxbarashadda hordhaca waxa Hämeenlinna lagu diyaariyaa xanaanooyinka iyo iskuuladda.
Bogga netka magaaladda Hämeenlinna ka hubi goobta waxbarashadda hordhacu ku taalo.
Codsiga booska waxbarashadda hordhaca
Waalidka waxa loo soo dirayaa warqad warbixin ah oo lagu sharxayo qaabka loo dalbanayo waxbarashadda hordhaca ama dhamaystirka baarbaarinta aasaasiga ah. Diwaangelinta waxaad ka dalbanaysaa boggan internetka ee Hämeenlinna.fi. Bogga waxa lagu galayaa lamaradda shabakadda ah ee bangigaaga. Dalabka warqad ahaan waxaad ka helaysaa goobta adeegga macmiisha ee Kastelli.
U kaxaynta goobta waxbarashadda hordhaca