Iskuuladda Hämeenlinna iyo qaabka loo dalbado
Hämeenlinna waxay leedaha 22 iskuul oo aasaasi ah. Iskuul kastaba wuxuu leeyahay bogg internet ah oo u gaara oo aad ilmaha uga dalbi karto.
Iskuuladda Hämeenlinna waxa lagu isticmaalaa ablikeeshinka Inschool (Wilma) si ay waalidka ilmaha iyo iskuulku u wada xidhiidhaan.
DALABKA WAXBARASHADA AASAASIGA AH
Booska-ardayga waxaad u dalbi kartaa sida tan:
- In aad buux buuxiso dhanka khadka internetka
- In aad buuxiso oo aad dirto warqad dalab ah. Dalabka waxaad ka helaysaa goobta adeegga ee Kastelli.
DIWAAN GELINTA ARDAYGA EE FASALKA 1AAD
Haddii aadan weli ilmaha iskuulka ka diwaan gelin ama aad rabto in aad Hämeenlinna u soo goorto, buuxi dalabka khadka internetka.
Iskuulka ayaa go’aanka gurigaaga kuu soo tuuraya. Haddii go’aan laguu soo diri waayo la xidhiidh iimaylkan perusopetus@hameenlinna.fi
DALABKA ISKUULKA EE KU SAABSAN DIINTA/ARAGTI-NOLOLEEDKA ILMAHA
Dalabkan soo saar, buuxi oo keen iskuulka (dalabka, foormaadka pdf ku soo saar).
AIRO-shabakadda waxbarashadda (hmledu.fi)
Dalabka booska iskuulka – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Dalabka waxbarashadda fasalka 1aad – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Waxbarashadda aasaasiga ah – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Simistarka iyo fasaxyadda – Hämeenlinna (hämeenlinna.fi)
Waxbarashadda aasaasiga ah – InfoFinland
Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti
Xilhayaha waxbarashadda: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti