Dalabka barbaarinta ilmaha
Haddi ilmuhu u baahdo xanaano (barbaarin), u dalab 4 bil ka hor inta aan xanaanadu bilaabmin. Xanaanadda saf ayaa loo galaa.
Dalabka xanaanadda waxaad ka dalban kartaa internetka ama warqad ayaad kaga dalban kartaa xarunta adeegga ee kastelli. Sidoo kale warqadda dalabka waxa la keeni karaa Kastelli. Qaab-xiidhiidhka Kastelli.
Helitaanka booska xanaanadda waxa laguugu soo wargelinayaa warqad ama iimayl. Taleefan ayaa laguu soo dirayaa oo waxa laguu sheegi doonaa wakhtiga ilmuhu xanaanadda bilaabayo.
Haddii aad shaqo ama iskuul si dhaqso leh ku hesho, ilmaha waad u dalbi kartaa xanaanadda 2 usbuuc ka hor. Laakiin marka aad shaqo la’aan is qorayso ama iskuul dalbanayso, waa in aad ilmaha u sii dalabtaa xanaanadda.
Dalabka waxaad ka buuxin kartaa khadka netka haddii:
- ay jiraan aqoonsi (henkilötunnus)
- aqoonsiga waalidka (henkilötunnus)
- waalidka oo leh aqoonsiga bangiga ama aqoonsiga moobilka
Helitaanka booska xanaanadda waxa laguugu soo wergelinayaa warqad ama iimayl. Taleefan ayaa laguu soo dirayaa oo waxa laguu sheegi doonaa wakhtiga ilmuhu xanaanadda bilaabayo. Xanaanadda ayaa kuu qabanaysa ballan aad xanaanadda ku soo barataan.
Ku soo dhowow goobta adeegga Kastelli
Ka salgaaridda baahida adeegyada iyo taageerada qoyska?
Fursadaha kala duwan ee xannaano-maalmeedka ka jiro?
(xanaadada,goobaha furan)
Sidee ayaad u codsanaysaa xannaano-maalmeedka?
Codsashada booska
Foom ahaan uga buuxi internetka (paikky.fi)
(ama) buuxi codsiga (warqad ahaan) – Kastelli
Xajinta booska iyo bilowga xanaada
Go’aanka booska xanaano-maalmeedka waxaad heleysaa 3 todobaad kahor inta aadan bilaabin xannaanda ka hor.
Aqbal ama diid go’aanka soo baxay
Xannaano ayaa kala heshiinaysaa wakhti ay qoysku xannaanta-maalmeedka soo baranayaan ama booqanayaan.
Wadahadalka billaabista xanaanata ee qoyska iyo xannaanta u dhexeeyo.
Xannaano-maalmeedka ayaa bilaabmaysa
Billowga hore waalidku wuxuu la joogi karaa xannaano-maalmeedka
Hubinta liiska xusuusta (dhar cimilada ku habboon, xafaayado, qabsashada wakhtiyada xannaanada)
Wadahadalka u dhexeeya qoyska iyo shaqaalaha xannaano-maalmeedka (qorshaha barbaarin-horaadka