Maktabadaha
Magaaladda Hämeenlinna magtabadaha waxaa yaala buugaag caruureed iyo kuwo dad waaweyn oo ku qoran luqado kala duduwan.
Waxaad ku soo amaahan kartaa kaadhka buugaag bilaash ah ah, muusig, filimaan ama joornaalo.
Amaahashada awgeed waxaad u baahantahay kaarka maktabadda.
Kaasna waxaad ka heli kartaa maktabadda.
Xasuuso inaad horay u sii qaadatid waraaqaha aqoonsiga oo sawir leh.
Kaarka maktabaddu waa bilaash.
Haddii aad lumiso, waxaa qasab kugu noqonaysa inaad kaarka cusub lacag ka bixiso.
Maktabadaha waxaad sidoo kale ku isticmaali kartaa kombiyuutar.
Maktabadaha magaaladda Hämeenlinna wuxuu u diyaarinayaa finnishka- iyo kuwa luqadaha kale ku hadla wax qabadyo wadar ahaaneed.
Shaqaalaha maktabadaha si fiican ayey kuu caawinayaan.
Adeegga weydii shaqaalaha maktabaddu wuxuu ka jawaabayaa su’aal kasta.
Waxaad su’aalahaaga oo ah Finnish, Iswidish ama Ingiriis ku reebi kartaa foomka shabakadda internetka.
Jawaabta waxaa laguugu soo dirayaa e-mailkaaga, waxaana lagu soo daabacayaa adeegga shabakadda internetka.
- Maktabada Magaalada Hämeenlinna – vanamokirjastot.fi
- Maktabada Magaalada Hämeenlinna – Sharciyada isticmaalka (Finnish)
- Yle Oppiminen: Kirjastossa (Finnish)
- Ku soo dhawow maktabada! (af soomaali)
- Maktabadda waa saaxiibkaaga (af soomaali)
- Maktabada Luqadaha Badan (info af soomaali) www.helmet.fi
- Maktabada Luqadaha Badan – nettisivu, Facebook iyo vinkit