Jimicsiyada
Hämeenlinna waxaad ku ciyaari kartaa jimicsiyo badan oo kala duduwan, sida, barafka ku sibiibixowga, kubadda cagta, xeegada barafka, tartanada legdanka ah, meel fuulowga, kubadda koleyga, kubadda laliska, muusiq, xeego, kubadda baalka, jiheynta, qoob ka cayaarka, tennista, dabaasha iyojimicsiyada guud.
Marka uu waxyaalaha lagu maararoobaa waxay leeyihiin hage, howlaha maararowgu inta badan waa lacag. Haddii aad tahay shaqo la’aan, waxaad heli kartaa qiime dhimis.
Waxyaalo badan oo jimicsiyo ah sidoo kale waa bilaash (tusaale, baraf ka sibiibaxashada, kubadda barafka iyo kabaha safeexda ah ku socoshada sidoo kale dabaasha xeebaha dabaasha) ama inaad bixiso lacag yar oo meesha lagu galo (sida, dabaasha barxadaha dabaasha ama dabaasha banaanka).
BARAFKA LAGA SOO SIBIIBIXOODO
Hämeenlinna xilliyada barafka inta badan wuxuu leeyahay meelo badan oo laga soo sibiibixdo, kuwaas oo aad ku soo sibiibixan karto bilaash. Waxaad ka heli kartaa khariidada halkan.
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ahi xiiseynayo inaad barafka ku sibiibaxashadiis la socotid, waxaad la xidhiidhi kartaa ururada sibxashada barafka: Hämeenlinna kooxdeeda barafka ku sibxashada.
KUBADDA CAGTA
Hämeenlinna waxaa ku yaala garoomo lagu ciyaaro oo dhowr ah, qaarkood badana waxaa lagu ciyaari karaa kubadda cagta.
Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa halkan.
Haddii adiga ama qoyskaaga qof ka tirsani uu xiiseeyo inuu ka ciyaaro kooxaha kubadda cagta, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha kubadda cagta:
XEEGADA BARAFKA
Hämeenlinna waxaa ku yaala garoono badan oo barafka ah, kuwaas lagu ciyaari karo sida xeegadda barafka oo kale.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha garoomada waxaad ka heleysaa halkan.
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani uu xiiseynayo inuu ciyaaro xeegada barafka, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha xeegada barafka:
TARTAMADA LEGDINTA AH
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani uu xiiseeyo kooxaha tartamada legdinta ah, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha tartamada legdinta:
- Kooxda aikido ry ee Hämeenlinnan (aikido)
- Kooxda judo ee Hämeenlinnan (judo)
- Kooxda karateega ee Hämeenlinnan (karate)
- Nawaaxiga seefleyda ee Hämeenlinnan (dayrka)
- Kalvolan keihäs (taekwondo)
- Kushin-Kan (karate, Hokutoryu jujujutsu, kickboxing, Brasilian jiu-jitsu iyo kenjutsu)
- Respeite Capoeira (capoeira)
MEEL FUULOWGA
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani xiiseynayo meel fuulfuulka, waxaad la xidhiidho kartaa kooxda meel fuulfuulka:
KUBADDA KOLEYGA
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani aad xiiseyneysaan kubadda koleyga inaad ciyaartaan, waxaad la xidhiidhi kartaan kooxda kubadda koleyga:
BASAKIIL/BUSHKULEETI
Hämeenlinna waxaa ku yaal dhowr wado oo baaskiilada loogu talagalay in lagu wado.
Waxaad ku wadi kartaa bushkuleeti ama baskiilka wadooyinka loo calamadeeyay. Haddii aysan lahayn wado baaskiil ama ay jirto wado kala dhinaceeda waxaad ku wadi kartaa wadadaas.
- Caruurta ka yar da’da 12 waxaa loo oggol yahay inay ku wadaan wadada ay maraan dadka lugeynaayo.
- Wadada dadka ay ku lugeynaya, sida Reska, waxaad ku wadi kartaa baaskiil laakiin markasta ka taxadar dadka lugeynaayo.
- Baaskiil laguma wadi karo waana ka mamnuuc in lagu wado wadada weyn ee baabuurtu marayaan.
- Ku wad dhanka midig ee wadada baaskiilka.
- Adeegsiga koofiyada baasakiilka waa muhiim lakiin in la isticmaalo Khasab maahan.
- Carruurta ka yar 135 cm dhererkooda waxaa lagu qaadi karaa oo keliya kursiga ku haboon ee ilmaha lagu xiro.
- Xiliyada Mugdiga, waxaad u baahan tahay inaad isticmaasho nalal: nalka hore waa cad ama jaalle ah, nalka gadaalna waa casaan ama gaduud.
Khariidadda baaskiilka ee gobolka Hämeenlinna waxaa laga heli karaa halkaan Khariidadda Baaskiilka.
Sidoo kale iska fiiri wadooyinka baaskiilka ee Hämeenlinna.
JIDH DHISAYAASHA
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani aad xiiseyneysaan tusaale, yoogada, yumbada jidh dhiska, pilatekeda ama zumbada, waxaad la xidhiidhi kartaan machadka Vanajavesi machadka. Machadka Vanajavesi waa lacag. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa halkan.
KUBADDA LALISKA
Haddii adiga ama qoyskaaga qof ka tirsani uu xiiseynnayo kubadda laliska inuu ka ciyaaro kooxaha, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha kubadda laliska:
XEEGO
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani xiiseynayo inuu ciyaaro xeegada, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxda xeegada:
- Hämeenlinnan Härmä
- Kalvolan keihäs
- Steelers Hämeenlinna ry.
- Wild ducks (kooxda jimicsiya dhallinyarada)
SKEITTIGA
Hämeenlinnassa waxaa ku yaala goobo badan oo skeittiga ah:
- Hämeensaari (Citymarketin iyo wadada weyn halka ay iskaga darmaan dhexdooda meesha noocyada badan”Diy-park”)
- Kalvola garoonkiisa skeittiga
- Laitos Skatepark (hoolka gudaha Poltinahoga kasarmiga hore agahiisa)
- Ruununmyllyga garoonkiisa yar (Ruununmyllyga iskuulka banaankiisa)
KUBADDA BAALKA AH
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsani uu xiiseynayo inuu ciyaaro kubadda baalka ah, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha kubadda baalka ah:
Waxaad kaloo ka qabsan kartaa balan hoolka jimicsiga ee jyrätie waxaanad ku dheeli kartaa banooniga la tuuro (sulkapallo) adiga iyo asxaabtaada:
Sulkapallo – Jyrätien Liikuntahallit Oy (jyratienliikuntahallit.net)
JIHE RAADIYAAL
Haddii adiga ama qoyskaaga qof ka tirsani uu xiiseynayo jihe raadinta, waxaad la xidhiidhi karyaa kooxaha jiheynta:
- Hauhon sisu
- Jihe raadiyaasha Hämeenlinna
- Jiheyn qeybiyeyaasha Tarmo Hämeenlinnan
- Kalvolan keihäs
- Lammin säkiä
QOOB KA CIYAARKA
Haddii adiga ama qof ehelkaaga ahi uu xiiseynayo inuu ku maararoobo qoob ka ciyaarka, waxaad la xidhiidhi kartaa iskuulka qoob ka ciyaarka iyo- kooxahooeda iyo sidoo kale machadka Vanajavesi:
- Kabaha Carmenin (flamenco)
- Fit Station (qoobka ciyaarka tiirka)
- Xarunta qoob ka ciyaarada- iyo xarumaha jimicsiga (baadhaha qoob ka ciyaarada barashadooda iyo jimicsiga qoob ka ciyaarad)
- Kooxda qoob ka ciyaarka Baunssi (rock, swing iyo qoob ka ciyaarka masraxa)
- Machadka Vanajavesi (baadhaha qoob ka ciyaarada barashadooda iyo jimicsiga qoob ka ciyaarada)
TENNISTA
Haddii adiga ama qof ehelkaaga ahi aad xiiseyneysaan tennista inaad ka ciyaartaan kooxda, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha tenniska:
CIYAARAHA GUUD
Haddii adiga ama ehelkaagu aad xiiseyneysaan ciyaaraha guud inaadka ciyaartaan kooxaha, waxaad la xidhiidhi kartaa kooxaha ciyaaraha guud:
DABAASHA
HOOLKA DABAASHA EE HÄMEENLINNA
Hoolka dabaasha ee Hämeenlinna waad ku dabaalan kartaa waxaanad sii kale ka tagi kartaa jiimkeeda jidh dhiska. Markaad iibsatid tigidhka, waxaad ku dabaalan kartaa 2 saacadood/ ama 2 saacadood baad jiimka ku jiri kartaa.
Wixii warbixin dheeraad ah (sida. xilliyada hoolka dabaashu furan yahay iyo qiimaha tigidhada iyo sidoo kale warbixintooda) halkan ayaad ka heleysaa.
Haddii adiga ama ehelkaagu uu xiiseynayo maararowga danbaasha ee kooxaha, kooxaha dabaasha waxaad ka heleysaa halkan:
XEEBAHA DABAASHA
Hämeenlinna waxaa ku yaala xeebo dhowr ah oo dabaaleed. Xeebahaa dabaasha ah waxaad ugu dabaalan kartaa bilaash. Xilliga sharciyeysan ee dabaashoodu waa 15.6. – 31.8. Xilligaas masuuliyiinta ayaa ilaaliya xeebaha dabaasha iyo tayada biyahaba.
Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa halkan.
Dabaasha abanaanka
Hämeenlinna Ahvenistogeeda waxaa ku yaala dabaal banaanka ah. Markaad tigidhka iibsatid, waxaa d ku dabaalan kartaa 10 saacadood. Dabaasha banaanka waxaa la furaa xagaaga oo dhan ilaa iyo sebtembar. Dabaasha banaanku wey xidhan tahay oktoobar ilaa iyo abril dhamaadkeeda inta u dhaxaysa.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha dabaasha banaanka waxaad ka heleysaa halkan.