U dalbo shaqada si firfircoon

Shaqo dalbashadu waxay kaaga baahan tahay firfircooni iyo in ay adigu bilowdid. Ha niyad jabin haddii aad dhakhso u heli weydid shaqo.
Ka raadso shaqo meelo aad u baaxad leh dalbana shaqooyin kala duduwan.
U diyaar noqo inaad tijaabisid sidoo kale shaqooyin mudooyin cayiman ah ama shaqooyin kiro ah. Waa marinada inta badan lagu helo shaqooyinka joogtada ah. Xusuusnow sidoo kale, in shaqada aanad aadka u xiiseyneynin ay kugu hogaamin karto shaqo aad aad ujecleysatid.