Ilaalinta shaqaalaha
Finland ammaanka shaqada aad baa fiiro loogu yeeshaa. Shaqo bixiyaha ayaa ka jawaaba, in dhammaan dadkoo dhani u sameeyaan shaqdooda si ammaan ah. Shaqo bixiyuhu waa inuu u qorsheeyo shaqaalaha cusub in goobta shaqada la baro. Shaqo bixiyaha waxaa kale oo waajib ka saaran yahay inuu baro shaqaalaha goobta shaqada tilmaamaheeda ammaanka uuna baro qaabka saxda ah ee shaqada loo qabto.
Shaqaaluhu sidoo kale waa in ay daryeelaan ammaanka shaqada. Shaqada waa in loo qabto sida uu nidaamku dhigayo. Haddii ay cadahay in ay shaqadu halis tahay, shaqaaluhu wuu iska diidi karaa inuu shaqadaa qabto.