Kaadhka cashuurta
Finland waxaa mishaharka laga bixiyaa cashuur. Sidoo kale dhamaan dakhliga ku soo gala oo dhan, tusaale lacagta shaqo la’aanta iyo tan howlgabkaba cashuur baa laga bixiyaa. Lacagta cashuurta ka ururta dawladda iyo degmooyinka ayaa ku bixiya sida daryeelka caafimaadka iyo iskuuladda.
Finland waxay leedahay cashuur horu socod leh oo cashuur kala heer ah. Waxaana looga jeeda, in mishahrka badan laga bixiyo cashuur ka badan mishaharka yar. Waxaad cashuurtaada ku qiimeyn kartaa boqolaha cashuurta kalkulaytarkiisa ee maamulka cashuurta. Waxaad ka heleysaa halkan.
Markaad shaqo bilowdid waxaad u baahan tahay kaadhka cashuurta. Waxaanad ka soo qaadan kartaa xafiiska cashuurta bogooda shabakada (Waxaad ka heleysaa halkan) ama xafiiska cashuurta. Xafiiska cashuurta ee Hämeenlinna warbixintooda waxaad ka heleysaa halkan.
Shaqo bixiyaha ayaa toos cashuurta uga goynaya mishaharkaaga. Cashuurta, looga bixiyo mishaharkaaga toos, waa heynta cashuurtaada. Maamulka cashuurta ayaa xisaabineysa sanad walba, in aad dhakhligaaga ka bixisey cashuur ku filan iyo in kale. Haddii aad bixisey cashuur badan, waxaad heleysaa cashuur laguu soo celiyo. Haddii aad bixisey cashuur yarna waxaad celineysaa cashuur taas oo ah in lagugu yeelanayo cashuur.
Waxaa kale oo cashuurta dheer oo uu shaqo bixiyahaagu mishaharkaaga ka bixinayaa caymis bixin tusaale ahaan shaqo la’aan ama xanuun haddii uu yimaado.
Xigasho: InfoFinland