Heshiiska shaqada
Shaqaalaha iyo shaqo bixiyuhu waxay ka heshiiyaan shaqada qabashadeeda iyo mishaharka lagu bixinayo. Heshiiska shaqada shaqaalaha iyo shaqo bixiyuhu waxa kale oo ay ka heshiiyaan ariimo kale oo la xidhiidha shuruudahah shaqada iyo fulintooda. Shaqada shuruudeeda waxaa qeexa sharciga shaqada u degan iyo shuruudaha heshiiska shaqada. Heshiiska shaqadau wuxuu khuseeyaa labada dhinacba.
Heshiiska shaqada waxaa wanaagsan in mar walba la sameeyo isagoo qoraal ah. U akhriso si taxadir leh heshiiska inta aanad saxeexin,. Haddii aad wax fahmi weydid ku qoran heshiiska, ha saxeexin heshiiska.