Xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga ee gudaha finland
XUQUUQDAADA IYO WAAJIBAADKAAGA EE GUDAHA FINLAND
Dadka ajnabiga ah, kuwa deggan dalkan Finland, waxay leeyihiin xuquuqda iyo waajibaadka finnishku leeyihiin oo kale. Xuquuqahan iyo waajibaadyadan soo socdaa waxay khuseeyaan sidoo kale ajaanibta degan dalkan Finland.
Xuquuqyada
- Dadkoo dhan waxay xaq u leeyihiin in si isku mid ah loola macaamilo. Cidna si dadka kale ka duwan loolama macaamilo karo tusaale ahaan jinsi, da’, diin ama naafo dartood.
- Qof kasta wuxuu si xornimo ah u sheegi karaa islamarkaasna u qori karaa fikirkiisa.
- Dadku waxay qabanqaabsan karaan shirar iyo bannaanbaxyo waana sidoo kale ka qeybgeli karaan. Bannaanbaxa waa in booliska horay loo sii ogeysiiyaa.
- Qofna dil laguma xukumi karo lamana jirdili karo.
- Dadka oo dhan waxay si xornimo ah u dooran karaan meesha ay ka degayaan Finland.
- Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xafidaadiisa shaqsiyadeed. Warqadaha qof kale lama aqrin karo sidoo kale telefoonka qof kale lama dhegeysan karo.
- Qof kastaa wuxuu dooran karaa diintiisa. Haddii uusan dooneyn loogama baahna in uu wax diin ah doorto.
- Dadka ajnabiga ah ee sida joogtada ah u deggan Finland islamarkaasna buuxiyay 18 sano waxay ka codeyn karaan doorashooyinka degmooyinka.
- Ajaaniibta xaqa u leh inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka degmooyinka, waxay sidoo kale xaq u leeyihiin inay isu soo sharaxaan doorashooyinka degmooyinka.
- Muwadiniinta Midowga Yurub ee gur-degmo ku leh Finland waxay codkooda ka dhiiban karaan doorashooyinka baarlamaanka Yurub haddii ay iska diiwaangeliyeen rajistareeshinka codbixinta.
- Muwaadiniinta Midowga Yurub ee rajistareeshinka codbixinta Finland kaga jira waxay isu soo sharixi karaan doorashooyinka baarlamaanka Yurub ee Finland.
Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqda codeynta/ footeynta ajnabiga halkan ayaad ka heleysaa.
Waajibaadyada
- Dhamaan dadka deggan ama jooga Finland waa inay u hogaansamaan sharciga Finland.
- 7- 17 sano jiryada waxaa saaran waajib ah inay soo dhameystaan waxbarashada hoose-dhexe.
- Inta badan dadka ka shaqeeya Finland waa inay canshuur ka siiyaan Finland mushaarkooda.
- Dadka oo dhan waxaa waajib ku ah inay cadaalada ka marqaati kacaan, haddii iyaga looga yeero halkaas.
- Waalidka waxaa waajib ku ah inay daryeelaan carruurtooda.
- Dadka oo dhan waxaa waajib ku ah inay caawiyaan marka u shil dhaco.
Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta Finnishka ah
Kuwaan waxaa dheer oo muwaadiniinta Finnishka saaran islamarkaasna ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo kale, kuwaas oo aan saarneyn ama aysan laheyn ajnabiga deggan Finland.
Xuquuqyada
- xaq u lahaanshaha helitaanka baasaboorka Finland
- xaq u lahaanshaha imaanshaha Finland iyo diidista in dal kale laguu dhiibo
- xaq u lahaanshaha codeynta doorashada madaxweynaha, doorashada baarlamaanka iyo aftida shacabka, haddii uu buuxiyay 18 sano
- xaq u lahaanshaha isu soo taagista doorashada baarlamaanka, haddii uu buuxiyay 18 sano
- suurtagalnimada in laguu doorto xilalka dowladda ee dhalashada Finland ku xiran
- Xuquuqyada muwaadiniinta Midowga Yurub, sida dhaqdhaqaaqa xornimada leh iyo xornimada shaqada ee deegaanka Midowga Yurub iyo xaq u lahaanshaha codeynta iyo isu soo taagista doorashooyinka Midowga Yurub
Waajibaadyada
- waajibka ka qeybqaadashada difaaca dalka ama gacan siintiisa. Ugu yaraan raga 18 sano jiryada ah waxaa saaran waajib ciidan (asevelvollisuus).
- waajibka u hogaansanaanta sharciga Finland haddii meel kale oo aan Finland aheyn xitaa la joogo. Muwaadinka Finnishka ah waxaa lagu xukumi karaa dembi uu dibadda ku galay.
Xigasho: InfoFinland