Waa maxey qoys?
Waa maxey qoys?
Dalka Finland qoys waxaa noqonaya
- labada is qabta
- labo wada daganaan ku wada nool
- Ilmo aan guursan oo ka yar 18 sano ama caruur iyo qofka mas’uul ka ah oo degen Finland ama labada qof oo mas’uul ka ah
Dalka Finland macnaha qoysku wuu kooban yahay marka loo eego wadamada kale. Finland qoys waxaa loo arkaa sida badan waalidka iyo caruurta. Tusaale ahaan haddii ayeeyada, awoowaha iyo waalidiinta caruurtu ay hal guri wada dagan yihiin, sida rasmiga ah waxaa qoyska uga mid ah waalidiinta iyo caruurta oo kaliya. Ayeeyada iyo awoowuhu si gooni ah ayey qoys u noqonayaan.
Qoysku wuxuu lahaan karaa carruur, ama lammaane aan carrur lahayn ayaa noqon kara qoys. Dadka waaweyn ee qoysku waxay noqon karaan kuwo kala jinsi ah ama isku jinsi ah. Qoys waxaa sidoo kale noqonaya hooyada ama aabaha oo kali ah iyo mas’uulka ka ah cunugeeda/cunugiisa.
Qoys cusub waa lamaane ay la deggan yihiin hal cunug ama wax ka badan oo lamaanaha guurkiisi/guurkeedi hore ka dhashay. Waxaa intaas dheer in qoyska cusub ay ku jiri karaan carruur ay lamaanuhu isu dhaleen.
Haddii lagu furay, adigoo aan fasax ka qaadan lamaanahaadi hore ayaad guur cusub geli kartaa. Sida uu sharciga Finland qabo, laamanahaadi hore ugama baahnid fasax aad guur cusub ku gasho, haddii xittaa ay carruur idinka ka dhexeyso adiga iyo lamaanahaadi hore.
Qoysaska qaanso-roobeedka
Qoysaska qaanso-roobeedku waa qoysaska waalidiinta qaniiska, qaniisadda iyo labeebka iyo carruurtooda. Kuwaan waa tusaale ahaan qoysaska lamaanaha ragga ah iyo lamaanaha dumarka ah iyo weliba qoysaska leh wax labo waalid ka badan.
Haddii lamaane isku jinsi ah ay isqabaan waxey xaq u leeyihiin in ay korsadaan cunug ama in ay sameeyaan korsasho qoyska dhexdiisa ah. Korsashada qoyska dhexdiisa ah waxaa loola jeedaa in lamaanahu uu korsanayo cunugga lamaanaha kale islamarkaasna uu noqonayo waalidka labaad ee cunugga oo rasmi ah. Dalka Finland cunuggu wuxuu lahaan karaa oo kaliya ugu badnaan labo waalid oo sharci ah.
Haddii aad qorsheyneyso korsasho qoyska dhexdiisa ah, la xiriir xafiiska sooshaalka ee degmadaada.
Sateenkaariperheet ry waa hay’ad taageerta, la talisa howlana u dyaarisa qoysaska jeegaanta (sateenkaariperheille). Warbixintoodana halkan ayaad ka heleysaa.
Waajibaadka bixinta lacagta korinta caruurta
Sida uu qabo sharciga Finnishku waalidiinta waxaa waajib ku ah inay dhaqaale ahaan ka maareeyaan nolosha caruurtooda aan qaangaarin iyo labada is-qabta midba, midka kale. Waajibaadka ka taxadarida nolosha xubnaha qoyska kuma jiraan qaraabada kale, tusaale ahaan walaalaha qaan gaarka ah ama ayeeyada iyo awoowaha. Dalaka Finland looma haysto in dadka caadiga ah inay dhaqaale ahaan maareeyaan nolosha qaraabadooda dhaqaale ahaan liita. Cawinaadu waxay ka imaanaysaa bulshada sida xagga lacagaha badbaada bulshada.
Dadka guriga ku wada nool ama dheriwadaaga ah
Dadka si rasmi ah hal guri u wada degen waxay ka mid yihiin dadka dheriwadaaga ah.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha mawduuca inta isku dhaqaalaha ah (dhariga ah) halkan ayaad ka heleysaa.
Xigasho: InfoFinland