Adeegyada badbaadadda carruurta ee Hämeenlinna
Macmiilnimada badbaadadda carruurtu waxay bilaabantaa, marka baahidda la xaqiijiyo. Hadafkayaguna waa in kor loo qaado ilmaha kobiciisa wanaagsan iyo ka kaalmeynta waalidnimada. Waxaan wadashaqeyn la sameynaa ilmaha iyo qoyska waxayna ku saleysan tahay qorshaha macaamiisha ee qoyska lala dejiyey.
Sideen u kaalmeynaa?
- Qaababkayaga kaalmada ee caadiga ahi waa la shaqeynta qoysaska.
- Waxaanu ka kaalmeyn karnaa ilmaha iyo qoyskaba dhaqaale ahaan iyo qaabab kaleba, tusaale ahaan in ilmaha laga kaalmeeyo ilmaha waxyaalaha uu ku maararoobo.
- Qoysaska waxaanu ka kaalmeynaa iney fasax u baxaan iyo waxay ku madadaaloodaanba.
- Dhammaan qoyska oo dhami way ka qeygali karaan qiimeynta qoysaska ama- dib u carbintaba.
- Ilmuhu wuxuu heli karaa shaqsi taageere ah, kaas oo ilmaha ula kulmaya marba sida loogu qorsheeyey.
- Ilmuhu wuxuu heli karaa kaalmo qoys, taas oo uu wakhti kula qaadan karo maalmaha dhamaadka wiiga caadiga ah bishiiba.
Kaalmooyinka kale?
- Waxaanu ilmaha iyo qoyskaba ku hagi karnaa adeegyada kale xagooda.
- Waxaan ilmaha ku meeleyn karnaa qoys- ama xarun meeleyneed howlahooda kaalmada ee daryeelka furan, haddii ay dhammaan xubnaha arrintu khuseyso oo dhami ogolaadeen taas.
- La wareegiddu waa nidaamka ugu dambeeya ee badbaadadda carruurta. Go’aanka la wareegidda waxaa sameeya maamulka shaqaalaha arrimaha bulshada (haddii dhammaan xubnaha ay arrintu khuseyso oo dhami ogolaadaan taas) ama codsiga maxkamadda-maamulka (ikhtiyaar uunan laheyn).
Wixii warbixin dheeraad ah ee badbaadadda carruurta Hämeenlinna halkan ayaad ka heleysaa.
Macluumaadka badbaadadda carruurta halkan ayaad ka heleysaa.
Wax badan ka akhri bogga internetka (Lastensujelu.info) Macluumaad ku saabsan daryeelka carruurta