Maamulka soonaha
Maamulka soonaha
Maamulka soonaha waxaa u xilsaaran Hay’adda maamulka soonaha (aluehallintovirasto) iyo xarumaha ELY, waa, xarumaha ganacsiga, gaadiidka iyo deegaanka (elinkeino-, liikenne- ja ympäristökeskus).
Finland waxaa ku yaal lix hay’adood oo maamulka soonaha ah. Hay’adaha maamulka soonuhu waxay qaabilsan yihiin dhaqangelinta sharciga Finland iyo ilaalinta soonahooda. Hay’aduhu waxay qaabilsan yihiin arrimaha soo socda
- Adeegyada aasaasiga ah, ammaanka xaqeed iyo ruqsadaha
- Waxqabadka badbaadinta iyo diyaargaroobista
- Booliska
- Badbaadada shaqada
- Ruqsadaha deegaanka
Finland waxaa ku yaal 15 xarumood oo ELY. Shaqooyinkooda waxaa ka mid ah tusaale ahaan
- Talo-siinta shirkadaha
- Badbaada deegaanka
- Horumarinta nabadgelyada wadooyinka
- Horumarinta la-qabsashada dadka dalka u soo guuray
Xigasho: InfoFinland