Kirada iyo deebaajiga
Wakhti fiican ugu talogal, markaad raadsaneysid guri-kiro ah. Meelaha qaarkood waxaa laga yaabaa in aad loo jecel yahay. Goobahaasna waxaa laga yaabaa in si degdeg ah loo kireeyo. Markaad heshid guri kugu haboon, waa inaad si dhakhso ah uga go’aan qaadatid inaad dooneysidgurigaa iyo in kale.
Gurigga bil kasta waxaad ka bixineysaa kiro. Intaa waxaa dheer oo lagaa doonayaa inaad bixisid deebaajigii. Inta badan deebaajiga cadadkiisu waa 1-2 bilood oo kiro ah.
Markaad hesho guri kiro/ ijaar ah, hubi in kiradaadu ay tahay mid ku habboon inta laguu ogol yahay iyo inuu guriggu yahay mid kugu haboon. Keladu way qeexdey, kiradaadu intee in le’eg ayey ugu badnaan noqon kartaa bishii. Fiiro u yeelo, in sidoo kale kharshka kuleylinta gurigga iyo hagaajinta qashinkuba in ay ku jiraan kharashka kirada. Waxaad sidoo kale si toos ah u weydiin kartaa kiradaada kela ama waxaad talo weydiisan kartaa goobta warbixinta dadka dalka u soo guurey, haddii aad adeegaa ka tahay macmiil. Ha dalbanin guri, kaas oo ay kiradiisa ama kharashkiisu ay aad u sareeyaan.
Markaad xerada qaabilaada ka guurtid ee aad degmada u guurtid, waxyaalaha qaarkood xerada qaabilaadu wey kaa caawin kartaa si aad u hesho gurgi ama deegaan. Kala sheekeyso taas xeradaada qaabilaada qaxootiga. Deebaajiga waxaad ka dalban kartaa kelada, haddii aanad adigu haysanin keyd kuu yaal ama dhakhli kugu filan.
Markaad gurigga ka guureysid, waad heli kartaa deebaajigaagii. Haddii uu qof kale kaa bixiyey deebaajiga, lacagtaa waxaa lagu celinayaa qofkii sii bixiyey deebaajiga. Deebaajiga laguuma soo celinayo haddii gurigaa aad wax ka jabisey oo la sameynayo, haddii aanad wada bixinin kirooyinkii, oo lagugu lahaa lacag kiro ah.
Lähde: www.ovikoodi.fi
Lähde: Takuusäätiö