Warar aasaasi ah oo ku saabsan finland
Finland oo la soo koobay
Dowladda
- Finland waa jamhuuriyad waxayna xubin ka tahay Midowga Yurub (EU).
- Caasimadda Finland waa Helsinki.
- Finland waxay u qeybsantahay degmooyin leh is-maamul.
Dadka
- Finland waxaa deggan 5,5 milyan oo qofood.
- Luqadaha rasmiga ah ee Finland waa Finnish iyo Iswidish (qiyaastii 5 % dadka Finnishka ah waxay sidii afkooda hooyo ugu hadlaan Iswidish).
- Finnishka badnaatooda waxay si fiican ugu hadlaan ingiriiska.
Juguraafiga
- Finland waxay ku taalaa Waqooyiga Yurub.
- Wadamada deriska Finland la ah waa Ruushka (bariga), Norway (Waqooyiga), Sweden (galbeedka) iyo Estonia (koonfurta).
- Ballaca Finland waa 338 432 km², waxaana ku jira dhulka Finland iyo gudaha biyaha.
Dhaqaalaha
- Lacagta Finland waa yuuro.
Taariikhda Finland
Dhisinta ladnaanta horumarka-Qarnigii Finland iyo reer Virtanen
Buugga Ku soo dhowow Finland (pdf)
Xigasho: InfoFinland