Kaalmooyinka Kelada
Waxaad heli kartaa kaalmooyinka kelada, markaad u deggan tahay Finland si rasmi ah. Waxaa laga yaabaa in aad shaqo ku haysatid Finland ama qoyskaaga dartii aad ugu soo guurtey Finland.
Haddii aad sugeysid magangelyo in lagu siiyo ama sharci, oo aanad Finland weli u deganeyn si rasmi ah. Kela kama heleysid wax kaalmo dhaqaale ah.
Kelada waxaad kaalmooyinka kaga dalban kartaa foomamka. Xaaladaha kala duduwan foomamkooda kala duduwan. Kela foomamkeeda halkan ayaad ka heleysaa (af Finnishka).
Sidoo kale waxaad ballan ka qabsan kartaa xafiiska kelada ama adeegga telifoonka. Xafiiska waxaa lagu ogaanayaa xaaladaada waxaana lagula buuxinayaa foom. Haddii loo baahdo turjubaan na weydiiso,Macluumaadka la xiriiro Kelada waxaa laga heli karaa halkan hoose ee booqo.
Balanta Kelada. (af Finnishka)
Markaad heshid aqoonsiga shabakada bangigga (verkkopankkitunnus), waxaad arrimahaaga kelada kaga xallisan kartaan internetka.
Haddii aad hesho shaqo, wargeli arrintaa Kelada. Waxaa laga yaabaa inaad ka maaranto kaalmooyinka dhaqaale ee Kelada.
Wixii warbixin dheeraad ah ee finland ammaankeeda bulshada ah halkan ayaad ka heleysaa.
KAALMADA HOYGA/IJAARKA
Kelada waxay u ogolaata kaalmadda ijaarka dadka isku dheriga ah ee gurigga wada deggan. Isku dhariga ah lama mid ah qoyska. Haddii uu qof aad istaqaanaan u soo guuro gurigaaga, wuxuu ka tirsan yahay inta aad isku dhariga tihiin. Markaasna waxaad heleysaa in yar oo kaalmo ijaar ah.
Kela waxay ogaalataa sida qaalibka ah sanad. Haddii ay xaaladaadu is bedesho sanad gudihii, wargeli arrintaa Kelada.
Kela waxay ku soo shubi kartaa kaalmada ijaarka akountkaaga ama toos waxay ugu diri karaan gurigga cidda aad kaga jirtid akountkooda. Markaasna lacagtaasi toos ayey ugu tageysaa kirada.
kaalmada guud ee guryaha – warbixin cad af finnishka
KAALMAYNTA QOYSKA CARUURTA LEH
Haddii uu qoyskiina u dhalanayo ilmo, la xidhiidh kelada. Sii ogow dhalmada ka hor, kaalmooyin noocee ah ayuu qoyskaagu ka helayaa kelada.
Taageerada qoysaska carruurta leh -warbixin cad af finnishka: Lapsen syntymä ja hoito | Henkilöasiakkaat | Kela
LACAGTA TAAGEERADA WAXBARASHADA
KAALMADA SAFARKA DUGSIGA
CAWINAADA WAQTIGA JIRADA
GARGAARKA SHAQO LA’AANTA
LACAGTA KAALMADA NOLOSHA
YAA HELI KARO KAALMO DHAQAALE?
Waxaad Kela-da ka codsan kartaa kaalmada asaasiga dhaqaalaha. Marka dhaqaale iyo hanti kulli aad hayso ku filnayn, kharashka muhiimka ah ee nolol-maalmeedka ka mid guri, raashiin, caafimaad daryeelid iyo dhar. Daqaale ku soo gallay weliba tirada xisaabta waxaa ku jiro kaalmada sooshalka. Markastaba codsasho kaalmaynta dhaqaale ka hor, hubi in aad heli kartit dhaqaale kale ama kaalmo tusaale ahaan kaalmada shaqo la’aanta iyo kaalmada guriga. Marka hore codso kaalmooyinka kulli aad xaq u leedahay.
Adeegga shaqaalaha arrimaha bulshada ee degmada ayaad ka dalban kartaa haddii aad u baahato tan kuu buuxineysa ama lagaaga hor istaagayo dhaqaalaha kaa dhiman intii nolosha laguugu talgaley waxyaalaha sida kadiska ah kuula soo gudboonaada ama halka mar baahidda timaada ama dakhliga kaa baxa. Tan laguugu buuxinaya kaalmada kabka nolosha in aad heshid waxay ku xidhan tahay shuruudaha ah koleyba in aad marka hore kelada ka heshid go’aan ogolaansho ah oo kaalmada kabka nolosha ee aasaasiga ah. Weydii haddii aad u baahatid wixii warbixin dheeraada ah adeegga shaqaalaha arrimaha bulshada ee degmada.
Saan baa u codsanaysaa kaalmaynta dhaqaalaha:
Kaalmo ka codso adeega Kela web-ka: www.kela.fi/asiointi. Haddii adeega web-ka adagyahay, waxaad ka heli kartaa isticmaal tusid meesha adeega Kela-da. Kaalmada weliba waxaa lugu codsan karaa foomka ama hadal ahaan. Adreeska boostada waxa waaye Kela, PL 10, 00056 KELA
Xusuuso in aad ku lifaaqdid dhammaan lifaaqyada lagaaga baahan yahay!
Lifaaqyada caadiga ahi waa:
- warbixinta bangigaaga waxa soo gala iyo waxa ka baxa
- biilka korontada
- caymiska gurigga
- daryeelka caafimaadka dadweynaha ka dhexeeya biilasha kaaga yimaada
Codsiaga ugu horeeya waxaa lagaaga baahan yahay 2 bilood ee ugu dambeeyey bangigaaga warbixintiisa waxa soo gala iyo waxa ka baxa.
MUDDO INTEE LE’EG AYUU GO’AANKU KU IMANAYAA?
Markaad codsigaaga buuxbuuxisid ee aad ka tagtid, Kela ayaa go’aan ka soo gaadha todoba maalmood oo shaqo markey ka soo wareegto. Haddii uu codsigaagu yahay degdeg, waxaad go’aankaaga heleysaa isla maalinta aad dhigtey maalinta ku xigta ee maalin shaqo ah. Haddii uu codsigaagu kala dhantaallan yahay, Kela waxay kugu soo celineysaa inaad soo buuxisid waxa ka dhiman. Tanina waxay hakineysaa codsigaaga ilaa iyo intaad soo dhameystireysid waxyaalaha kaa dhiman ee lagaa rabo. Haddii aad ku soo gudbin weydid lifaaqyada lagaa dalbadey xilligii lagu cayimey, Kela codsigaaga waxay falanqeyneysaa lifaaqyadaa la’aantood.
Go’aankaaga kaalmada kabka dhaqaalaha waxaad heleysaa isagoo qoraal ah.
Haddii aanad ku qanacsaneyn go’aankaaga, waxaad ka sameyn kartaa ina wax laga badalo. Go’aanka waxaa laguugu sheegayaa, sidee ayaad u dalban kartaa wax ka badalidda.
KAAMOOYINKA HAWLGABKA
KAALMADA DHAQAALE EE DADKA NAAFADA AH
HAWL GABKA LA SIIYO QOYSKA
BAXNAANIN
Kela Hämeenlinna
Rauhankatu 1
13100 Hämeenlinna
Saacadaha ay furan yihiin
Insniinta – jimcaha dawan 9.00 – 16.00