Waxbarashadda aasaasiga ah
Finland ilmo kasta waa in ay aadaan iskuulka. Sida sharciga ku qoran waa in ilmo kasta la siiyaa waxbarashada aasaasiga ah. Macalinku xirfad jaamacad ah ayuu leeyahay, iskuul kastana waxbarasho tayo leh ayaa lagu dhigaa.
Waajibka waxbarashadu ilmaha waxay u bilaabantaa, marka uu buuxiyo 7 sanno. Waxabarashada hordhaca (esipetus) waxay ilmaha u bilaabantaa markuu 6 sanno gaadho. Ilmo kastana waa ku waajib. Waxabarashada hordhaca (esiopetus) waxa lagu qabtaa xanaanadda ma iskuulka.
Inta badan wadankan Finland ilmuhu waajibkoodda waxbarasho waxay ku diyaariyaan dugsiga hoose.
Waxbarashada aasaasiga ahi waxa weeye dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe. Dugsiga hoose waa fasaladda 1 – 6 dugsiga dhexena waa fasaladda 7 – 9.
Waxbarashada aasaasiga ahi waxay socotaa muddo 9 sanno ah: Iskuulku wuxuu ku bilaabmaa fasalka 1aad wuxuuna ku dhamaadaa fasalka 9aad.
Waxbarasha aasaasiga ahi waa bilaa lacag.
Ilmaha Finland ku cusub ee dibadda ka soo guuraa wuxuu bilaabi karaa fasalka diyaarinta luuqadda ee dhanka ajaanabiga.
Iskuuladda Hämeenlinna waxa lagu isticmaalaa ablikeeshinka Inschool (Wilma) si ay waalidka ilmaha iyo iskuulku u wada xidhiidhaan. Waxbarashadda hordhaca iyo ta aasaasiga ahba waxa ilmaha wax lagu baraa samuuradda elektarooniga ah ee Airo.
Waxbarashada aasaasiga ah ee – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Simistarka iyo fasaxyadda – Hämeenlinna (hämeenlinna.fi)
Waxbarashada aasaasiga ah – InfoFinland
Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti
Xilhayaha waxbarashadda: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti