Waxbarasho xirfadeed
Haddii kooras xirfad-diyaarin ah aad gasho oo kadibna xirfadda diyaariso, toos ayaad u shaqo tagi kartaa ama iskuul heer jaamacadda maxadka sare ah ayaad geli kartaa.
Gelitaanka iskuulaadka maxadka hoose dalab gooni ah ayuu leeyahay. Isku meel ayaad iskuulo badan ka wada dalban kartaa. Sannadkiiba laba mar ayaa iskuulaadkaa la dalbadaa. iskuulaadka bilaabmaya bilaha 8aad iyo 9aad waxa la sii dalbadaa sannadka bilihiisa hore ee gugga. Kuwa bilaabmaya bisha 1aad waxa la sii dalbadaa bilaha 8aad iyo 9aad. Haddii aanad haysanin shahaadadda dugsiga hoose dalabkeedu wakhti kasta waad dalban kartaa.
Iskuulo badan ayaa leh dalab furan oo mar walba ah oo loogu talogalay dadka iskuulo ka qabyo yihiin ama shaqeeya oo shaqadda ku soo bartay aqoomo badan oo iskuulka looga baahan yahay.
WAXBARASHADDA DIYAARINTA AH
Iskuulka diyaarinta ee TUVA: Iskuulka diyaarinta xirfadda shahaadadda leh ee TUVA waxaad ku baranaysaa xirfado kala duwan oo waxaad iskuulkaa ku fahmaysaa xirfadda aad xiisaynayso in aad baratid ee kadibna aad rabtid in aad ku shaqaysatid.
Tavastia: Iskuulka xirfad-diyaarinta ee TUVA ee ajaanabiga ee
Kiipula: Waxbarashada shahaadada ee diyaarinta ah TUVA
Iskuulka xirfadda ee tavastia
Iskuulka xirfad-diyaarinta ee Tavastia waxaad ka diyaarin kartaa sida, shahaadadda dugsiga hoose, shahaadadda xirfadda ama shahaado gaara ah oo xirfad ah.
xirfad-instituushinka HÄME (HAMI)
Xirfad-instituushinka Häme Waxaad ka baran kartaa sida, xirfadaha hoose, xirfadaha sare ama xirfad-shahaadeed gaar ah.
Waxaad baran kartaa waxbarashadda beero-waxsoosaarka ee loo yaqaan Musti, waxaad baran kartaa waxbarashada geedaha ee Evolla, waxbarashada caano soo saarka ama waxbarashadda hilibka ee Sairio iyo waxbarashadda beero-qurxinta ee Lepaalla iyo Macalin baraha gaadiidka ama iskuulka qaabka wax loo maamulo ee Hämeenlinna.
HYRIA
Hyria waxaad ka baran kartaa sida, xirfadaha aasaasiga ah, xirfad-shaqo ama xirfad gaara oo shaqo. Hyria waxa sidoo kale laga baran karaa xirfado kale oo kala duwan oo lagu takhasuusi karo. Waxaad sidoo kale goobtaa ka qaadan kartaa shahaadooyin kale oo takhasus ah. Boggan ka eeg waxbarashadda iskuulka Hyria . (tusaale ahaan. kaarka hayjiinka ama nadafadda iyo kaarka ammaanka shaqadda).
iskuulka xirfadda ee KIIPULA
Iskuulka xirfadda ee Kiipula Waxaad ka baran kartaa sida, xirfadaha aasaasiga ah, xirfad-shaqo ama xirfad gaara oo shaqo. Iskuulka Kiipula wuxuu sidoo kale diyaariyaa dhamaystiridda waxbarashadda kala dhiman oo xirfado kala duwan leh.
Maadooyinka lagu qaato – Kiipula
iskuulka heshiiska shaqadda
Shaqo bixiya waxaad kula heshiin kartaa in adiga oo shaqaynaya aad wax barato oo waxaad baran kartaa xirfadaha hoose, xirfadaha sare ama xirfad-iskuul oo gaara. Iskuulka aad shaqadda kala heshiisay macnaheedu waa adiga oo shaqaynayaa ayaad isla markaasna wax baranaysaa oo goobta shaqadana baragtig ahaan ayaad wax u barnanaysaa iskuulkana waxaad ku baranaysaa qaybaha kale ee baxbarashadda. Heshiiska waxbarasho ee dhanka shaqada waxa samayn kara dad d’a yar iyo dad d’a waynba.
Millaista on oppisopimusopiskelu? Ketkä sopimuksen solmivat?
Työssä oppiminen – Eri tavat opiskella – Työmarkkinatori (tyomarkkinatori.fi)
Ammattiopisto Tavastia – Oppisopimuksella ammattiin
Kela – Opiskelijan etuudet
Kela – Pikaopas opiskelijalle
TE-palvelut – Ammatinvalinta koulutus
TE-palvelut – Koulutusneuvonta