Xagee shaqo laga raadsadaa?
La xidhiidhida goobta shaqada
Adigaa iskaa ula xidhiidho kara goobta shaqada, halka aad dooneysid inaad ka shaqeysid. Waad wici kartaa oo aad kala heshiin kartaa inaad la kulanto madaxa shaqada. Waxaad ku reebi kartaa goobta shaqada codsiga shaqo dalbashada iyo liiska wixii aad horey u soo qabatey, xataa iydoonan shaqadu isla markaaba kuu bilaabmeynin. Ku sheeg codsiga shaqada si cad, wixii aad qaban taqaanid iyo shaqooyin noocee ah ayaad qaban kartaa. Madaxa goobta shaqada ayaa kula soo xidhiidhaya hadhow, marka shaqo laguu helo.
Finland qeyb yar uun baa ku hesha codsiyada shaqooyinka ka soo banaanaada goobaha shaqada codsiyada furan. Shaqo bixiyaha wakhti badan ayaa kaga luma, haddii uu ka raadiyo shaqaale dhinaca shaqooyinka furan dalabkooda. Sidaas darteed ayuu shao bixiyuhu u qaataa shaqaale uu garanayo ama qof uu yaqaan, kuwa horey ula soo xidhiidhey shaqo bixiyaha.
Shirkadaha kireeya shaqsiyaadka
Shirkadaha kireeya shaqsiyaadka waxay fidiyaan shaqooyin mudo cayiman ah. Shirkadaha kireeya shaqsiyaadku xagooda waxaad ka heli kartaa shaqo joogto ah. Hämeenlinna waxaa ka howlgala sida. shirkadahan kireeya shaqaalaha ee soo socda:
- Sarastiarekry, Sibeliuksenkatu 1 A 8, 2. krs., www.seuturekry.fi
- Barona, Arvi Kariston katu 9, www.barona.fi
- EilaKaisla, Vankanlähde 7 (Innopark), www.eilakaisla.fi
- Go On -Yhtiöt, Kirkkorinne 4, www.go-on.fi
- Eezy, Raatihuoneenkatu 13, www.eezy.fi
- SunUra, PARKKI Business Park Raatihuoneenkatu 21, www.sunura.fi
- RTK www.rtkhenkilostopalvelu.fi/avoimet-tyopaikat
- Sihti, Birger Jaarlin katu 11, www.sihti.fi
Bogagga shabakadaha ee shirkadaha
Qeybo shirkadaha la n´mid ihi waxay ku soo wargeliyaan goobaha shaqooyinkooda bogagooda shabakada oo kaliya. Haddii aad xiiseyneysid shaqooyinka shirkadaha qaarkood ka fiirso bogagooda shabakadaha in ay soo wargeliyeen shaqooyin banaan.
Qaraabada, asxaabta, dadka aqoonta ah iyo kuwii aad horey ula shaqeyn jirtey
Qaraabadaada, asxaabtaada, dadka aad taqaanid iyo dadkii aad horey ula shaqeyn jirtey ayaad weydiin kartaa in goobtooda shaqada ay shaqo ka banaan tahay ama ay garanayaan, meel ay shaqo ka banaan tahay. Finland qeyb aad u yar uun baa shaqo ku hela wargelinta shaqooyinka soo banaanaada. Sababtaas awgeed waa inaad adigu sameysatid shabakad, taas oo ay ku jiraan qaraabadaada, asxaabtaada, dadka aad taqaanid iyo kuwii aad horey ula shaqeyn jirtey kuwaas aad ka heli kartid warbixinaha shaqooyinka banaan.
Internetka iyo baraha warbaahinta
Waxaad ka dalban kartaa goobaha shaqooyinka internetka bogagga shaqooyinka. Waxaad bogagga shaqooyinka ka heleysaa, markaad ku qortid meesha raadinta ”shaqooyinka banaan” (avoimet työpaikat). Shaqooyinka ugu badani waa kuwa xafiiska shaqadu uu bogiisha shabakada soo geliyo- Wixii intaa dheer ee bogga shaqooyinka halkan: http://www.te-palvelut.fi/te/fi/erikoissivut/tyopaikkasivut/index.html
Bogaga badan oo shaqooyin waxaad ku reebi kartaa foomkaaga shaqo dalbashada iyo liiska wixii aad horey u soo qabatey si uu shaqo bixiyuhu u akhristo.
Waxaad ka dalban kartaa shaqooyinka sidoo kale baraha warbaahinta adeegyadooda ( tusaale Facebook, LinkedIn iyo Twitter).
Dhacdooyinka shaqaaleysiinta iyo- soo bandhigidda shaqooyinka
Dhacdooyinka shaqaaleysiinta iyo- soo bandhigidda shaqooyinku waa qaan fudud oo wanaagsan oo aad kula kulmi kartid wakiilada shirkadaha xiisaha leh. Dhacdooyinka shaqaaleysiinta iyo- soo bandhigidda waxaad sidoo kale ku sahansan kartaa fursadaha shaqooyinka adigoo si fool ka fool ah ku baranaya shirkadaha agagaarkaaga.
Dhacdooyinka shaqaaleysiinta iyo- soo bandhigidda shaqooyinka warbixintooda dheeraadka ah waxaad weydiin kartaa xafiiska shaqada. Waxaad sidoo kale ka raadin kartaa dhacdooyinka shqaaleysiinta iyo- soo bandhigidda shaqooyinka internetka, markaad raadiyaha ku qortid dhacdooyinka shaqaaleysiinta ama soo badhigidda shaqooyinka”rekrytointitapahtuma”ama ”rekrytointimessut”.