Shahaadooyinka ajnabiga markii la keeno Finland
Ansixinta shahaadadda jaamacadda ee ajaanabka
Xataa haddii aad ku soo diyaarisey takhasusuka xirfadaha heerka sare wadan kale, waxay noqon kartaa takhasus ka duwan kan Finland.
Finland gudoonka waxbaradhu ayaa is barbar dhigaa takhasusyada.
Haddii aad shaqo dalbaneysid, taas oo ah mid lagaa doonayo takhasuska waxbarashada xirfadaha ee heerka sare inaad heysato, takhasuskaagu waa inuu ahaado mid uu gudoonka waxbarashadu aqbaley. Gudoonka waxbarashada ayaa go’aaminaya, waxbarshadan dalka dibadiisa aad ku soo baratey ma ku filan tahay shaqadaa, taas oo Finland lagaa doonayo shuruudo heer u gooni ah oo ah waxbarashada xirfadaha heerka sare.
Gudoonka waxbarasha ayaa go’aaminaya sidoo kale, ma ku siineysaa takhasuska aad dalka dibadiisa ka soo baratey inaad ku filan tahay shaqadaa qabashadeeda, taas oo shuruudo gaar ah lagaa doonayo iskuulo ka mid ah Finland heerkooda.
Gudoonka waxbarashada ayaa sidoo kale qoraal ka siinaya takhasusyada xirfadaha ee dalka dibadiisa lagu soo diyaariyey.
Wasaaradda waxbarashadda:
- Is barbar dhigidda shahaadooyinka heer jaamacadeed ee ta dibadda iyo tan gudaha
- Ansixinta shahaado heer jaamacadeed ee dibadda ah
- Warbixin ku saabsan iskuul-xirfadeedda wadanka dibadiisa lagu diyaariyey
- Aqoonsiga shahaadadda suomi| ruotsi | englanti
- Sharaxaad shahaadadda ku saabsan (pdf) suomi| ruotsi | englanti |
- Qaabka khariidadda ansixinta shahaadadda (pdf) suomi| ruotsi | englanti
- Qiimaha adeegga suomi| ruotsi | englanti
Ansixinta shahaadadda xirfadaha waxbarashadda caafimaadka
Inkasta oo aad wadan kale ku soo qaadatay shahaado xirfad ah oo caafimaad, way ka duwanaan kartaa tan wadanka Finland laga qaato.
Hay’adda Valvira ayaa Finland ansixisa in qofku uu shahaadadda caafimaadka ku shaqayn karo Valvira waa hay’adda ka mas’uulka ah kormeerka iyo oggolaansha shaqooyinka caafimaadka oo dhan.
Si aad shahaadadda caafiaadka ugu shaqaysato, waa in aad oggolaansho dalab ah waydiisato hay’adda.
Siyaabo kala duwan ayaa dalabka loo buuxinayaa, sababta oo ah waxay ku xidhan tahay shahaadadda aad haysato iyo wadanka aad ka soo qaadatay.