Gaadiidka dugsiga

Ardayga waxaa loo diyaarinayaa gaadiidka dugsiga haddii masaafo u dhaxaysa guriga iyo dugsiga ugu dhow ay ka badan tahay 5 km. Ardayda iskuulka hoose ee fasalka 1–2 iyo ardayda barbaarinta (esikoulu) waxaa loo diyaarinayaa gaadiid haddii masaafadu ka dheer tahay 3 km. Gaadiidka dadweynaha ayaa ah habka koowaad ee gaadiid haddii uu jiro oo la heli karo.
Codsiga gaadiidka
Codsiga waxaa ugu horreyn lagu sameeyaa adeegga Wilma. Iyadoo aan la isticmaalin aqoonsi adag, waxaad codsiga ku samayn kartaa e-foomka: E-lomake: Esikoulu- ja koulukuljetushakemus. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaa iskuulka ilmahaaga ama Kastelli Xarunta Adeegyada Talo-bixinta.
Gaadiid ku-meel-gaar ah
Waxaa la heli karaa sidoo kale gaadiidka ku-meel-gaarka ah haddii ardayga ku dhacay shil oo aanu si kale ugu socon karin safarka dugsiga. Codsiga waxaa lagu gudbiyaa Wilma ama e-foomka iyadoo lagu lifaaqayo warbixin khabiir (tusaale dhakhtar shihaadadiisa).
MunApp – codsiga mobilka
Ardayda ku safarta taksiga waxay heli doonaan jadwalka iyo wadooyinka gaadiidka dugsiga ee MunApp. App-kan waxaa lagu isticmaali karaa bogga: munapp.kuntalogistiikka.fi ama adoo soo dejisanaya app-ka moobilka. Fadlan hubi in xogta ilmahaagu si sax ah ugu qoran tahay nidaamka.
MunApp waxaad ku samayn kartaa:
- inaad hubiso waqtiga subaxda lagu soo qaadayo
- inaad la socoto goorta ilmahaagu gaariga fuulo iyo goorta uu ka dego
- inaad kansasho gaadiidka toddobaadka socda iyo kan soo socda tusaale hadii ardayga xanuusto
- inaad hubiso lambarka baabuurka fulinaya gaadiidka
Haddii ay dhibaato timaaddo, la xidhiidh: koulukuljetukset@hameenlinna.fi
Shuruudaha gaadiidka dugsiga ee barbaarinta iyo waxbarashada hoose/dhexe ee Hämeenlinna laga bilaabo 1.1.2021 (pdf, ma aha mid si buuxda loo heli karo).
Akhriso wax badan oo ku saabsan gaadiidka dugsiyada bogga internet-ka ee Magaalada Hämeenlinna.