Xanaanooyinka Hämeenlinna
Hämeenlinna waxay leedahay:
- xanaanooyinka degaanka
- xanaanooyin barayfad ah
- qoys-xanaanaynta ilmaha ee maalinlaha ah
Xanaanooyinku waxay furan yihiin saacadaha 6.00 – 18.00 Goobaha gelin-xanaanaynta ee ilmuhu waxay furan yihiin saacadaha 5.30 – 22.30 ( Waa xanaanooyinka Iittala, Kutala iyo Lammi). Xanaanadda Kutala habeen walba iyo maalin walba way furan tahay.
Faahfaahin dheeraad ah iyo khariidadda xanaanooyinka Hämeenlinna.
Haddii aad Finland degaan ku leedahay, waxaad ilmaha u dalbi kartaa fasaxa waalidnimadda ka dib Xarunta barbaarinta ilmaha ee degaanku leeyahay. Waa marka uu ilmuhu gaadho sagaal bilood. Haddii aanad Finland degaan rasmi ah ku haysan, waxaa laguu arkaa in ka mid tahay degaanka aad markaa degen tahay.
Goobta barbaarinta ee barayfadku waxay noqon kartaa xanaano barayfad ah ama qoys-xanaanaynta ilmaha ee maalinlaha ah ama qof aad mushahar ku siiso in uu ilmaha guriga ku hayo.
Qoys-xanaanaynta ilmaha ee maalinlaha waa qof aqoon leh oo ilmaha gurigiisa kuugu xanaanaynaya.