Waxbarashada xirfadaha ee heerka sare iyo jaamacada
Waxbarashada xirfadaha ee iskuulada heerka sare waxbarashadooda
Finland waxbarashada xirfadaha ee heerka sare waxaad ka diyaarin kartaa iskuulada xirfadaha ee heerka sare iyo jaamacadaha. Iskuuladda xirfadaha ee heerka sare waa kuwo wax ku ool ah. Markaad markaad dhameysid iskuuladda xirfadaha ee heerka sare, waxaad yeelaneysaa sida qaalibka ah xirfad ah (Tusaale. injineer, kalkaaliso caafimaad ama bajalarka agaasinka ganacsiga).
Iskuuladda xirfadaha ee heerka sare waxay leeyihiin nidaamyo u gaar ah oo lagu dalbado. Iskuulo dhowr ah ayaa lagu dalbadaa dalab wadareedka. Dalab wadareedku waa laba jeer sanadkii; dalab wadareedka xilliga guga waxaa lagu dalbadaa waxbarashooyinka bilaabmaya deyrta dalab wadareedyada deyrtana waxaa lagu dalbadaa iskuuladda bilaabanaya sanadka soo socda bishiisa janaayo.
Iskuulo badan oo ah iskuuladda xirfadaha heerka sare ayaa sidoo kale lagu dalbadaa dalabyo gaar ah tusaale. dadka horey iyagu uga soo diyaariyey maadooyin waxbarashada furan ee xirfadaha heerka sare.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha iskuuladda xirfadaha heerka sare waxaad ka heleysaa halkan.
Waxbarashada heerka sare ee Hämeen (HAMK)
Waxbarashada heerka sare ee waxaad Hämeen ku baran kartaa waxbarasho wax ku ool ah oo aad ku qaadaneysid waxbarashada heerka saree xirfadaha kuwaas oo ah luqadaha finnishka ama ingiriisiga.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha waxbarashada xirfadaha heerka sare ee Hämeen waxaad ka heleysaa halkan.
Waxbarasha heerka sare ee furan
Waxbarashada xirfadaha ee heerka sare ee furan iyo jaamacadaha furanba waxaad ku diyaarin kartaa qorshe waxbarasho oo la xidhiidha iskuuladda waxbarashada heerka sare , dhamaan waxbarashada furan oo dhan. Waxbarashada xirfadaha ee heerka sare dhamaan dadka oo dhan wey u furan tahay, xataa adigoon wax takhasus ah heysanin waad geli kartaa waxbarashada xirfadaha heerka sare ee furan . Waxbarashada xirfadaha heerka sare ee furan maadooyinka aad ku soo diyaarisid waa laguu aqbalayaa oo laguugu darayaa qeyb ka mid ah takhasuskaaga ahaan, haddii aad hadhow dalbatid in aad noqotid ardey- takhasusaya. Waxbarashada furan waxaa sidoo kale laga helaa sawir wanaagsan oo ah, waa noocee takhasuska aad xiiseyneyso waxbarashadiisu xaqiiqdii maxaase la iga rabaa. Waxbarashada furan ee xirfadaha heerka sare waa lacag.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha waxbarashada heerka sare ee furan waxaad ka heleysaa halkan.
Waxbarashada jaamacada
Finland waxaad ku diyaarin kartaa waxbarashada xirfadaha ee heerka sare jaamacadaha xirfadaha ama jaamacadaha. Qeybo ka mid ah waxbarashada-jaamacaduhu waxay toos kuugu hogaaminayaan xirfadaha qaarkood ( tusaale. diploomaha-injineerinka, dhakhtarnimada ama macallinimadda). Qeybo ka mid ah waxbarashada-jaamacaduhuna kuguma hogaaminayaan xirfadaha qaarkood.
Waxaad jaamacadda dalban kartaa, haddii aad diyaarineysid tusaale ahaan takhasusyadan kuwo ka mid ah:
- takhasuska jaamacadaha finnishka ah
- ugu yaraan xirfad takhasus aasaasi ah oo saddex sano ah
- takhasus jaamacadeed oo caalami ah
- takhasus dalka dibadiisa ah, kaasoo kuu siinaya fursado jaamacadaha dalkaas aad ku diyaarineysid takhasuska.
Ku dalbo jaamacadaha xirfadaha heerka sare xiligga dalab wadareedkaama iskuuladda qaarkood dalabyadooda u gaarka ah. Dalab wadareedku waa la jeer sanadkii; dalab wadareedka guga waxaa la dalbadaa iskuuladda deyrta bilaabanaya dalab wadareedyada xilliga deyrtana waxaa la dalbadaa islkuuladda bilaabanaya sanadka soo socda bishiisa janaayo. Iskuuladaas qaarkood oo uu dalab wadareedkoodu ahaaba janaayo. Horey u sii ogow, goorma ayaad dalban kartaa.
Jaamacaduhu waxay ku kala yaalaan Helsinki, Tampere iyo Turku.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha jaamacadaha waxaad ka heleysaa halkan.
Jaamacada furan
Waxbarashada xirfadaha heerka sare ee furan iyo jaamacadaha furanba waxaad ku diyaarin kartaa qorshaha waxbarasho ee u degan waxbarashooyinka xirfadaha heerka sare, oo ah waxbarasho dadkoo dhan u furan. Jaamacada furani dadka oo dhan wey u furan tahay, xataa haddii aanad horey u laheyn takhasus hore. Duruusta lagu diyaariyo jaamacadaha furan waa laguu aqbali karaa oo laguugu darayaa qeyb ka mid ah takhasuskaaga ahaan, haddii aad hadhow dalbatid jaamcada in aad duruus ka baratid.
Jaamacada furani waa goob ku wanaagsan inaad ku sii barbaratid duruusta- jaamacada lagu qaato. Jaamacada furan waxaad wax ku baran kartaa qaabab kala duduwan, tusaale ahaan inaad ka qeyb gashid lagjarada iyo tababarada ama aad internetka ka baratid ama qaabab kala duduwan (oo isugu dhex jira ka qeybgalka duruusta iyo internetka oo aad wax ku baraneysid). Waxbarashada jaamadaha ee furani waa lacag.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha jaamahada furan halkan ayaad ka heleysaa.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha jaamacada xiligga xagaaga ee Hämeen (jaamacada furan) halkan ayaad ka heleysaa.