Banaan u bixidda
Hämeenlinna waxay leedahay meelo badan oo kuu suurtogalinaya banaan u bixidda. Waxaad tusaale ahaan sameyn kartaa inaad soo kalluumeysato ama goobaha dabiiciga ah aad ku dalxiisto. Carruurtu waxay leeyihiin goobo dhowr ah oo ay ku ciyaaraan. Garoomada jimicsiga waxaad tusaale ahaan ku ciyaari kartaa kubadaha. Xilligga barafkana kabaha safeexada leh ayaad ku socon kartaa garoonada barafka leh.