Foomka shaqo dalbashada iyo CV
Foomka shaqo dalbashada
Tusaale ahaan markaad ka aragtid internetka wargelin shaqo, taas oo ah mid aad xiiseyneysid, u akhri si sugan wargelinta kana fikir, xirfado caynkee ah iyo aqoon noocee ah ayuu shaqo bixiyuhu raadinayaa. Ka fikir in ay aqoontaadu buuxineyso shaqo bixiyaha hadafkiisa iyo wuxuu dalbanayo. .
Sida qaalibka ah markaad shaqo dalbaneysid, waxaad shaqo bixiyaha u direysaa foomka codsiga shaqada iyo CV:gaaga oo ah liiska waxa aad horey u soo baratey. Ku qor codsiga shaqo dalbashadaada iyo CV gaaga isku luqad, tan lagu soo qorey wargelinta shaqada. Qor codsi cusub cusbooneysiina CV:gaaga mar kasta , oo aad shaqo cusub dalbaneysid.
Codsiga shaqada waxaa looga jeedaa inuu ku dhaliyo shaqo bixiyaha xiise, si aad u gashid wareysiga shaqada. Codsigu waa jawaabta wargelinta shaqada. Ka jawaab hadafyada iyo dalabyada kuwa ku xusan wargelinta shaqada . Kor u qaad arrimaha shaqadaa muhiimka ah. U sheeg si faahfaahsan tusaale ahaan aqoontaada. Ka dhaadhici sida, in aad tahay qof ku haboon ku shaqadaas.
Codsiga shaqadu sida qaalibka ah wuxuu dhan yahay hal bog. Ka codso qof inuu akhriyo oo uu hubiyo codsigaaga.
Codsi furah
Waxaad si toos ah ula xidhiidhi kartaa goobta shaqada, tan aad adigu xiiseyneysid. Waxaad u diri kartaa codsi furan ama waad qici kartaa shaqo bixiyaha, xataa iyadoo aynan jirin shaqooyin banaani. Ku sheeg cadsiggaga waxaad taqaanid iyo shaqooyin noocee ah ayaad qaban kartaa. Ku lifaaq codsigaaga liiska waxaad horey u soo qabatey oo ah CV:ga.
Liiska waxaad horey u soo qaban jirtey oo ah CV.ga
Liiska waxaad horey u soo qaban jirtey oo ah CV: ga waxaad ku sheegeysaa aqoontaada, khibradaha shaqadaada iyo waxbarashooyinkaaga oo aad si bayaan ah u soo koobtey.
Qaababka-CV yadu wey kala duduwan yihiin. -malleja on erilaisia. Kuwa caadiga ah ee CV:ga waxaad ku qori kartaa aqoontaada iyo siday u kala horeeyeen. Aqoontaada salkeeda CV:ga waad ku kal xubneyn kartaa xirfadhaaga iyo aqoontaada. CV.gaagu wuxuu kaloo noqon karaa video, fayl ku qeexaya adiga ama bog shabakadeed. Sii barbaro qaabab CV:yo oo kala duduwan oo dhiso kan adiga kugu haboon ee sheegaya waxaad horey u soo qabatey.
CV sida qaalibka ah wuxuu dhan yahay 1-2 bog. Xusuuso inaad cusbooneysida CV:gaaga codsi kasta oo cusuba.
Maxaa CV:ga ku gudo jira?
- Magac iyo warbixintaada– Cinwaankaaga, emeilkaaga, telefoon lumbarkaaga
- Foomka codsiga– Liiska shaqooyinkaagii hore, kuwa ugu dambeeyey horeysii. Sheeg marka hore mudada aad shaqeyneysey. Qeex shaqadaad qabaneysey iyo xirfadahhag, kuwa aad shaqada ku baratey.
- Waxbarashadaada– Liiska shahaadadhaaga iyo sidey u kala horeeyeen, kuwa ugu cusub u horeysii. Liiska shahaadadaha magacyadooda, waxbarasha aad qaadatey magaceeda, machadka magaciisa iyo xilliga aad dhameysay.
- Koorsooyinka– Liiska cinwaan u gaar ah ku hoos qor koorsooyinka luqada finishka ee add soo qaadatey.
- Wixii kale aqoon ah– xirfadah luqadaha aad taqaan, xirfadaha-IT ga, kaadhadhka ogolaanshaha ee aad soo qaadatey, sida. kaadhka nadaafada
- Soo bandhigtey ama kuwa kale ee shaqo tusida ah– Haddii aad dooneysid waad ku dari kartaa shaqooyinka aad soo bandhigtey ama muujisey.
- Waxyaalaha aad xiiseysid, howlaha aad masuulka ka tahay– sidoo kale waad soo muujin kartaa iyo waxyaalaha aad xiiseysid.
- Tixraacyada – Waxaad ku dari kartaa magacyada dadka, kuwa kuugu ballan qaadey in ay xayeysiiyaan shaqadaada. Ku dar dadka ammaanta kaa gudbinaya warbixinahooda. Xusuuso in qofka ku amaanaya aad ogolaansho weydiisatis´d inataanad ku qorin.
Waxaad ku dari kartaa CV:gaaga bilowgiisa dulucda ama alkuun profilkaaga, kaaso o qeexaya taariikhdaada iyo aqoontaada udubkeeda dhowr weedhood. Waxaad sheegi kartaa waa kuwee shaqadaada hadafkoodu ama waxa aad si khaas ah u taqaanid adigu. Waxaad ku dari kartaa sawirkaaga haddii aad dooneysid.