Isku diiwaangeli shaqo doone ahaan
Iskaga diiwaangeli inaad shaqo raadis tahay xafiiska TE. Macluumaadka xiriirka xafiiska TE ee Hämeenlinna.
Haddii aad ka yar tahay 30 sano, fadlan la xiriir Ohjaamo Stage Hämeenlinna.
ADEEGGA OMA ASIOINTI
Si aad u isticmaasho adeegga Oma Asiointi, waxaad u baahan tahay aqoonsiga bangiyada ee onlaynka, shahaadada moobaylka ama kaarka aqoonsiga ee leh jib (chip). Iska diiwaangelinta adeegga onlaynka ah waxay ka kooban tahay dhowr tallaabo. Si taxaddar leh u raac tallaabooyinka si ay raadintaada shaqo u ahaato mid ansax ah. Haddii shaqo raadintaadu hakad gasho, xaq u lahaanshahaaga lacagta shaqo la’aanta ayaa dhammaanaysa.
Booqo adeegga Oma Asiointi
Tilmaamaha iskadiiwaangelinta adeegga Oma Asiointi
TALEEFAN AHAAN
Waxaad shaqo-doone ahaan iska diiwaangelin kartaa haddii aad horey shaqo-doone uga ahayd xafiiska TE-toimisto oo aad rabto inaad mar labaad shaqo raadintaada bilowdo. Adeegga taleefanku wuxuu furan yahay Isniinta – Jimcaha 9: 00–16: 15. Tel. 0295 025 500
ISTICMAALKA FOOMKA ONLAYNKA AH
Haddii aadan adeegsan karin adeegga Oma Asiointi ama aadan ahayn muwaadin u dhashay Finland ama waddamada EU ama EEA, waad isku diiwaangelin kartaa shaqo doone adigoo adeegsanaya foomka onlaynka ah.
Isdiiwaangali adigoo isticmaalaya foomka onlaynka ah
ADIGOO BOOQANAYO XAFIISKA TE
Haddii aad tahay shaqo doone cusub oo aadan fursad u helin inaad adeegsato adeegga Oma Asiointi ama aad ku buuxiso foomka onlaynka, fadlan si toos ah u booqo Xafiiska TE. Xusuusnow inaad soo qaadato sharci degenaansho oo sax ah
Marka aad tagayso xafiiska TE marka ugu horeyso, fadlan soo qaado dukumiintiyada soo socda:
- Baasaboorkaaga ama caddeyn ka timid booliska oo xaqiijineysa haysashadeeda ku meel gaarka ah
- sharciga degenaanshahaaga
- qayb ka mid ah Diiwaanka Dadweynaha oo laga helay Xafiiska Diiwaangelinta Deegaanka ama kaarkaaga Kela ama dukumenti kale oo muujinaya inaad haysato lambar aqoonsi oo Finnish ah
- shahaadooyinkaaga shaqo iyo iskuul, oo loo turjumay af Finnish, af Iswiidhish ama af Ingiriis.
ADEEGA TELEEFOONKA EE ADEEGYADA MACAAMIISHA TE
Adeegga guud ee taleefoonnada ee Adeegyada TE ayaa laga helaa caawimaad iyo talo ku saabsan arrimaha la xiriira adeegsiga adeegga onlaynka ah iyo shaqaalaysiinta ee Oma Asiointi iyadoo lagu helayo luuqado kala duwan oo ku yaal lambarrada hoose Isniin – Jimco 9: 00–16: 15.
- Finnish 0295 025 500
- Iswiidish 0295 025 510
- Ingiriis 0295 020 713
- Raashiyaan 0295 020 71