Caawimaada xaaladaha dhibaatada
Haddii ay shaqadaada ka jirto xaalad dhibaato, kala hadal marka hore madaxa shaqadaada. Haddii aad caawimaad ka weydid, la xidhiidh wakiilka shaqaalaha ee haddii aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha. Haddii aanad xubin ka aheyn la xidhiidh masuulka ilaalinta shaqada iyo shaqaalaha.
Su’aalaha la xidhiidha dhibaatooyinka shaqada iyo jawaabahooda iyo wixii kale ee warbixin dheeraad ahba halkan ayaad ka heleysaa.
LA TALINTA XIDHIIDHKA SHAQADA EE DADKA AJBANIGA AH
Haddii aad qabtid su’aalo ama dhibaatooyin la xidhiidha shaqada, waxaad la xidhiidhi kartaa tusaala ahaan xarunta ururka SAK oo kuu fidineysa la talin shaqo oo lacag la’aan ah. Waxaad heli kartaa talosiinta, xataa adigoon xubi ka ahey ururka shaqaalaha. Sharci yaqaana ayaa kaaga jawaabaya tusaale ahaan heshiiska shaqada, mishaharka iyo xilliyada shaqada su’aalaha la xidhiidha, Talosiinta waxaad ku heleysaa finnish ama ingiriisi. Waxaad kula xidhiidhi kartaa telefoon ahaan ama email ahaan.
SAK ee talobixinta shaqada ee halkan.
MASUULIYINTA ILAALINTA SHAQAALAHA TELEFOONKOODA TALOSIINTA
Haddii tusaale ahaan. heshiiska shaqada, mishaharka, xilliyada shaqada, xaaladaha goobta shaqada, mishiinada iyo qalabka amaankooda ama badqabkaaga su’aalo la xidhiidha ama dhibaatooyin ay jiraan, waxaad la xidhiidhi kartaa sidoo kale masuuliyiinta ilaalinta shaqaalaha telefoonkooda dalka oo dhanee talosiinta. Talosiinta waxaad ku heleysaa Finnish, Iswidhish ama Ingiriisi. Waxaad kula xidhiidhi kartaa telefoon ahaan.
Masuuliyiinta ilaalin shaqaalaha telefoonka talosiinta ee dalka oo dhan warbixintooda halkan ayaad ka heleysaa.